Bulsha:- Waa inan dhalinyaro ah Hooyadii ayaa geeriyootay oo tii Alla u timid , laakiin waxa uu habeen kasta waxa uu hurdada ku arkaa ama uu ku riyoodaa hooyadii oo la cadaabayo muddo sideed sanadooda ah, tolow hooyadaa maxaa lagu cadaabayay?
Habeen kasta wiilkaa yari waxa uu hooyadii Illaahay uga baryi jiray Dambi dhaaf iyo Naxariis, markasta oo uu ku riyoodo hooyadii oo la cadaabayo.
Habeen habeenada kamid ah ayuu ku riyooday hooyadii oo faraxsan , markaasuu waydiiyay hooyo mudadaa dheer maxaa lagugu cadaabayay, waxay ugu jawaabtay hooyo koobkii caanaha ahaa .
Wilkaa dhalinyarada ahi waxa uu yidhi koobka caanaha ah waa ogaa, oo waxaa jiray wiil aan walaala ahayn oo Aabahay uu dhalay islaan kalana ay dhashay , hooyaday waxay samayn jirtay markaan raashinka cunayno aniga waxay isiin jirtay koob caana ah oo saafiya, isagana waxay siin jirtay galaas caana ah oo laakiin barax ah, oo caanaha biyay ugu dari jirtay.
Waxaa jira waxaan fudayd sanayno oo laakiin Illahay agtiisa ka wayn , anga xageenana ka yar oo aan waxba nala ahayn.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment