Bulsha:- Guurka casriga ee Somalida wuxuu cagta geliyay ciriftii ugu dambeeysay ee la yaabka dunida,tani waa sheeko xiiso badan oo aan jecleeystay inaan qoro.
Nadiifo waa gabadh ku nool Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya gaar ahaan xaafadda Somalida ku badan tahay ee Islii, Nadiifo marka dhinaca quruxda laga eego dooqeeyga waa gabadha labaad ee gabdhaha Somalida Nairobi ugu quruxda badan,maashaa allaah, ilaah ku maneeystay 32 xubnood ee dumarka laga daawado iyo labada soo raacda,oo ah qosolka iyo codka raxmada leh.
Gabdhaha Somalida jooga Nairobi oo u badan dhoof sugayaal iyo qaxooti danta baday dhamaantood kalama dhacaan,oo mar ayaan isweeydiiyay toloow qoys waliba gabadha ugu qurxoon miyeey Nairobi u soo direen si is xambaar ama dhoof uga hesho.
Nadiifo oo ah gabadha aan ka sheekeeynayo todobaadkaan qisadeeda Ibrahim ayey isbarteen horaantii 2010.
Ibrahim waa 38 jir degaan ahaan ku nool Magaaladda Toronto ee dalka Canada.marka la waydiiyo dhalashadiisa wuxuu afkiisa u bartay inuu yiraa “ I am Somali Canadian” Maalmahii Ibrahim joogay Nairobi waxay u ahayd jawi xasuus leh,wuxuu hiifay waqtiga iyo waayaha isdabaraya maxaa yeelay Nadiifo wuxuu bartay toban maalmood xilli ay ka dhiman tahay ticket-kiisa laabashada.
Sheeko guur ayaa dhexmartay Ibrahim iyo Nadiifo hasse yeeshee waqtigiisii safarka ayaa idlaaday oo danta ayaa ku qasabtay inuu dib ugu laabto Toronto isagoo jecleeysanaya inuu bureeqada ku soo ildoogsada.
Ibrahim iyo Nadiifa,Wada hadalkii ayaa khadka telefoonka iyo Aalada Internet-ka laga sii ambaqaaday,xiisaha la isu qabo maaha mid laga sheekeeyn karo,habeenkasto waxaa la iska arkaa barta MSN MESSENGER LIVE-KA.
Guur ayaa lagu heshiiyay laakiin Ibrahim jaaniskiisa ayaa aad u liita sida uu Nadiifo u sheegay,waa Darawal wada gawaarida waaweyn ee safarka gasha laakiin Nadiifo wuxuu u sheegay inuu Jaamacad dhigto,uuna la shaqeeyo laanta qaxootiga Canada.
Ibrahim oo sheekadiisa u koobaya Nadiifo,wuxuu ku yiri” Mar hadii aan ku heshiinay inaan isguursano looma baahna Marqaatiyaal ,waxaa Fariin qoraaleed SMS kuu soo diri doono nin Sheekha oo Magaaladaan Toronto si weyn looga qadiriyo,hadaba waxaa lagaa doonayaa in su’aalahiisa aad uga jawaabto,aniganan sidoo kale ayuu iigu soo diri doonaa SMS.
Nadiifo ayaa ka argagaxday sababta aan Marqaati loogu baahneeyn laakiin Sheekhii ayey jecleeysatay inay la sugto su’aashaas.
SMS,fariin qoraaleed deg dega ayaa u soo dhacay,waxaa lagu yiri,”hadii aad tahay Nadiifo hebel hebel,waxaan ahay Sheekha ku nikaaxinaya oo magaciisu yahay hebel hebel,fadlan iiga soo jawaab su’aalahaan soo socda!!
Ibrahim Hebel hebel guur maku heshiiseen oo diyaar ma u tahay?
Aabahaa ma nool yahay mise waa dhintay,hadii uu nool yahay halkee joogaa
Adiga hore malaguu guursaday mise Gabadh ayaad tahay?
Hadii aad ka raali tahay nikaaxa,meherkaaga meeqo ayaad ka dhigatay?
Nadiifo ayaa su’aalaha Sheekha ka shakisay,waxay qiyaastay in qoraalka uu saaxiibkeed u soo diraya isagoo iska dhigaya Sheekh.
Telefoonkii ayey wacday,waxaa ka qabtay nin cod waaweyn oo Kala hortagay ASSALAMU CALEYKUM.
Salaanta ayey ka ridisay,WCWW,Ma Sheekh hebelbaa ayey u raacisay?
Haa waa Sheekh hebel ,maashaa allaah soo dhawaaw Nadiifo ayuu ugu jawaabay!!
Nadiifo oo yara xishooneysa ayaa ku tiri” Sheekh adigoo raaliya sidee nin iigu mehrin kartaa bilaa Marqaati
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment