Bulsha:- Waxaa muhiim ah in labada lamaane niyad ahaan iyo jir ahaan degan yihiin oo uusan jirin wax daal ah taasi waxa ay keeneysa in si macaan loogu raaxeysto baashaalka iyo galmada.
Jirka oo daalan lama helayo wax raaxo ah , waxana muhiim ah in istimtaacu dhaco iyadoo jirka fir-fircooni leeyahay oo uusan daalneyn nooc waliba ha ahaadee daalkasi
Hurdo Ku Carar : waxaa jira rag durba hurdo u carara marka ay sidas u dhamaato ciyaarta taasina waxa ay niyad jab ku riddaa xaaska ee ninyahoow iska daa habkaas oo ogoow lamantaada sheekooyin iyo gacmo gacmeyn ayay u baahan tahay waayo waa laba kacleysaa oo tii hore mid ka macaan ayay dareentaa.
Xal U Raadi Biyaha Durba Soo Boodaya : biyaha deg deg ragga uga yimaada ama haweeneyda ayaa saameyn ku yeesha hanaan socodka kulanka waxa ayna niyad jab ku riddaa labada dhinac waxa ayna taasi ku badan tahay ragga .
Hadaba si looga hor tago waxaa ninka ku haboon in uu sameeyo jimcsi , qaato cunooyinka naqafada leh , in aadan damac ku galin adiga oo niyad ahaan ama jir ahaan daallan , haddii dhibkaada uu intaas ka weyn yahay la xariir taqaatiira.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment