Gabar 7 jir reer Nepal ah oo loo doortay Ilaahnimo & Raisul wasaaraha dalkaas oo barakeystay

Bulsha:- Gabar yar oo Todoba sano jir ah ayaa dalka Nepal loo xulay inay noqotov wax la caabudo ama Ilaah (Subxaanallaah) ka dib markii laga helay sida la sheegay tilmaamo dadka wadankaas ay ku xushaan qofka gaaraya maqaam ilaahnimo ah oo ay yaqaanaan (Kimaru).

Gabadhan oo lagu magacaabo Yunika ayaa Calaamadaha ay sheegeen inay ka heleen waxaaa ka mida inay suniyaheeda u eg yihiin kuwa lo’da, codkeeduna fasiix u yahay sida Boolo-boolada.

Waa caado dadka reer Nepal ay leeyihiin muddo qarniyo ah oo lagu doorto Ilaahyada Kimaru oo ay si isku mida u caabudaan Buudiyiinta iyo Hinduska.

Bandhiga roobka ee dalkaasi ka dhaca bisha July ayay isugu yimaadeen dad fara badan oo gabadhaas yarta ah u barakeysanayey, waxaana ka mid ahaa Ra’isal wasaaraha Nepal Pushpa Kamal Dahal.

Yunika oo da’deedu yar tahay ayaa waxay la nooshashay waalidkeed, waxayna dadka dalkaasi aaminsan yihiin in cid kastoo indhaheedu qabtaan ay barako iyo nasiib badan la kulmeyso.

Gabadhan yar aabaheed ayaa sheegay in markii gabadhood loo doortay waxa loo yeeray Ilhaanimada ay joojiyeen shaqadii ay hore u hayeen oo iyada uun ay ka fekeraan xanaanadeeda.

Qofka Kimaru noqda ayaa waxaa la sheegay in aan loo ogoleyn inuu ka baxo guriga, isla markaana ay cagahiiisu dhulka gaaraan.

Caado diimeedkan ayaa lagu tilmaamay iney ka mid tahay kuwo ugu liita ee caalamka ka jira, maadaama dadka aaminsan ay caabudaan qof iyaga la mid ah.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment