Daawo: Aroos aan wali la arag oo ka dhacay Kaam ku yaal Muqdisho

Bulsha:-  Mid kamid ah Kaamamka barakacayaasha ee Muqdisho, ayaa waxaa ka dhacay aroos cajiib ah, kaasoo ay kasoo qeyb galeen barakacayaasha Kaamkaas ku nool.

Mohamed Noor iyo Huda Omar, waa 2 lamaane oo nolosha iska calmaday, kana mid ah dadka ku nool Kaamamka barakacayaasha, waxeey nasiib u yeesheen in arooskooda uu ka dhaco Kaamkii ay ku noolaayeen.

Women dance on the last day of week-long wedding celebrations for newly married Somali couple Mohamed Noor and Huda Omar in Mogadishu's Rajo camp, Somalia August 24, 2016. REUTERS/Feisal Omar
Women dance on the last day of week-long wedding celebrations for newly married Somali couple Mohamed Noor and Huda Omar in Mogadishu’s Rajo camp, Somalia August 24, 2016. REUTERS/Feisal Omar

Mohamed Noor iyo Huda Omar  oo 2 sano kahor isbartay, ayaa isbuucii lasoo dhaafay aroskoodu ka dhacay Kaamka Rajo ee degmada Dharkeenleey, halkaasoo ay ku noolyihiin ilaa 400 qoys.

Qoyska Nuur ayaa Muqdisho yimid sanadkii 1990-kii, markaasoo ay kasoo qaxeen abaaro ku dhuftay deegaanadii ay ku noolaayeen.

Somali couple Mohamed Noor (R) and Huda Omar feed each other during their wedding ceremony in Mogadishu's Rajo camp, Somalia August 17, 2016. REUTERS/Feisal Omar

Qoyska Noor iyo Huda, ayaa waxaa soo camiray dhalinyarada Kaamka ku nooleeyd iyo dhamaan dadweynaha deegaanka, waxaana halkaas ka dhacay qoob ka ciyaar iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka.

Huda iyo Noor, ayaa dagay Guri ka sameysan Baco iyo qoryo, balse waxeey u muuqdaan kuwo si aad ah ugu qanacsan ugu faraxsan nolosha cusub iyo waagacusub ee u baryay.A woman dances on the last day of week-long wedding celebrations for newly married Somali couple Mohamed Noor and Huda Omar in Mogadishu's Rajo camp, Somalia August 24, 2016. REUTERS/Feisal Omar

“Waxaan is jecleyn mudo aad u fog, ma awoodin inaan dhisto Guri aan iyada ku arooso, waxaa i kaalmeeysay Hooyadeey” ayuu yiri Noor oo 20jir ah.




Noor, waxa uu ku dhashay Kaamka Rajo ee Muqdisho, halkaasoo waalidkiis 20 sano kahor usoo barakaceen, kadib abaaro ba’an oo ku dhuftay Gobolka Baay oo ay ku noolaayeen.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment