Bulsha:- Waxaa jira ficilo yar oo ka dhaca ragga balse aysan u haysan in ay bur burin karaan xariirkiisa qoys ee ninayhoow arimahaas ka fogoow waligaa .
In aad Nacdo Ehelkeeda : in aad wax ka sheegto qoyskeykeeda taasi aad ayay u dileysaa dareemaheeda, waana ay adag tahay in ay si sahal ah u iloowdo waayo qoyskeeda waxa uu u yahay muqadas .
In Aad Uga Janjeersato Waalidkaada : si waliba oo uu yahay ixtiraamka aad waalidkaada u hayso hadana go`aanada qoyskaada ee gaarka ah waxaa xaq u leh adiga iyo xaaskaada .
In aad ku jeesto jeesto muuqaalkeeda idinka oo horjooga dad hortooda : tani aad ayay u dhibeysaa waxa ayna ka qaadeysaa cuqdad nafsi gaar ahaan haddii arinkaas uu la xariiro dhanka culeyskeeda waana adag tahay in ay iloowdo arintaas .
In aad la bar-bar dhigto haween kale ” ninyahoow aan xariifka aheyn waxa ay ku leedahay waligaa sidaas ha sameyn haddii ay dhacdana yeesan u janjeerin dhanka haweenka kale .
In aadan ihtimaam siin , haweenka badankooda waxa ay ka helaan xafladaha bulshada waxa ayna dooneysaa in ay kugu faanto ee u raac munsaabadahaas xageeda ku weyn.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment