Ragoow Waxaan Idiin Hayaa Sifooyin Aad Ku Soo Jiidan Kartaan Gabdhaha Quruxda Badan

Bulsha:- Jidhka dhis:- Ma doonaysa inaad kalsooni naftaada u yeelatid? Sida kaliyah ee kalsooni lagu yeelan karo oo raga badankoodu ka fikiraan ayaa waxay tahay inaad tababar samaysid oo murqo quruxbadan yeelatid.

Haddi aad tawabaratid oo aad dhistid jidhka waxaad dareemaysa kalsooni dheeri ah iyo in dadka badankoodu adiga kusoo eegayaan oo aad dareentid inaad quruxbadan tahay, isla dareenkaas ayaa ah kan kugu hogaaminaya inad qof hawenay ah la hadashid, waana muhiim in dareenkaas ama kalsoonidaasi kugu jirto inta aanad qof la hadlin. Waa inaad ogaata inaad nin tahay oo dumarka adiga ku doonayaan.

Sideedaba dumarku ma jecla qofka caajiska ah ama dadka daciifka ah, marka waxan ku odhan laha ka kac meesha oo tawabar samee oo jidhkaaga dhis.

Noqo nin raganimo leh (Alpha male): Sideedaba waxaynu ognahay in habluhu ka helaan raga ay raganimadu ku jirto kana muuqato. Weyna ku beeran tahay dumarka taasi, sida inaga oo rag ah ay inoogu beeran tahay in hadii hawenay ina hor marayso melaha aynu ka eegno ay noqdaan naasaha, futada ama dhinacyada (bistooladaha). Dabeecadaas iskama badali karno, amar ilaahay, dumarkuna iyaguna iskama badali karaan dabeecadaas oo indhaha kama jeedin karaan markay arkayan wiil murqo dhisan leh.

Bilow:– Bilow macnahedu waxa weye inaad markasta adigu horaysid. Adigu markasta wa inad noqota qofka wax kasta oo dhacaya u horeeya. Adigu waa inaad toos ugu tagta gabadha oo aad bilawda inaad la haasawdid oo aad la hadashd, halkii aad ka sugi lahayd inay iyadu marka hore kuu timaado oo ay hadalka kaaga horayso.
Noqo adigu ka markasta dhunkashada ugu horaysa sameeya adigoon gabadha waydiinin, wa inaad noqota qofka u hogaamiya gabdha xaga qolka iyo haday noqon lahayd xaga galmadaba.
Haddii aad koox dad ah ku socotaan, ha ka mid noqon kuwa xaga danbe socda ee ka mid noqo kuwa xaga ugu horaysa socda.
Waxa jira rag badan oo leh kalsooni balse aan aqoonin sida wax loo bilaabo. Waana shayga kaliyah ee ku caawin kara, waana inaad ogaata inad adigu markasta wax bilaabi kartid inta dadka kale aysan wax samaynin.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment