liin dhanaanta iyo wax tarkeeda akhriso khudrada

Bulsha:- Midhaha liinta ee macaan-dhanaanka ah waxa ka buuxa fiitamiino muhiim u ah jidh caafimaad qaba oo la helo, Liin dhanaantu oo jidhka ka saarta qabowga waxay sidoo kale muhiim u tahay daaweynta cuduro badan oo nafsadda iyo jidhkaba ah Sharaabkeeda oo la qoosho ama iyadoo si waslad-waslad ah loo cuno, ama saliideeda cadariga ah oo la isku duugo, waxay daawo ka noqdaan cudurada soo socda Bararka ku yimaadda ruugaga iyo Canqowyada Liinta oo ay ku jirto maadada Valavonayd waxay gudaha u gashaa oo sida galka oo kale dusha ka dahaadhaa xididada taasoo u keenta xajmi iyo adkaysi iyadoo jidhkana ka saarta dufanka dheeraadka ah ee ku jira,

Liin dhanaanta oo dusha laga mariyo jidhka waxay joojisaa kaarka iyo xumadda jidhka ku timaadda marka qofku sameeyo tababar dheeraada iyo jimicsi ku cusub.


Waxay liintu daawo u tahay xanuunada dhiiga raaca iyadoo sidoo kalena adkaysi u samaysa halbowlayaasha , Liintu waxay yaraysaa deganaansho la’aanta iyo hurdo xumada qofka ku timaadda iyadoo door weyn ka qaadata hagaajinta marxaladda qofku ku sugan yahay.

Liin dhanaanta oo la isticmaalo waxay qofka ka dejisaa diiqadda iyadoo ku saacidaysa xiliga maalinabada ah oo dhan. culimada iyo baadhayaasha caalamiga ahi waxay maalinba ta xigta daahqaadayaan faa’iidooyin hor leh oo ay leedahay liintu iyo sidoo kale qaybaha iyo noocyada ay ka kooban tahay Liintuna waxay sii ahaan doontaa midhaha Fruit-ka ah ee macaan-dhanaanka ah oo ahmiyad weyn u leh qaybaha basharka aadamaha.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment