Bulsha:- Ku dhawaada mar kale ee qeybtii fariimaha Jaceylka , waxa ayna ayaamahanews.com qeybtaan u gaar yeeshay nooc ay lamaanayaasha isu diraan aroortii .
* Subax walbo oo Cadceeda soo baxdo waxaan dareemaa jaceyl hor leh waxaana rajeystaa inaan dib u arko nuurka wejigaada.
*Jaceylka aan kuu qabo waa mid subax walbo farxad igu toosiya nuurka wejigaada wuxuu iila mid yahey nuurka waaga soo hilaaca.
* Saacad kasta oo aan kula qaato waxaan dareemaa in aysan aheyn saacad luntey laakiin inaan subaxaan soo tooso aan arki waayo wejigaada ayaan u arkaa subax luntay.
* Subax walbo markaan soo tooso waxaan kusoo toosaa riyooyinka macaan ee habeenkii, ma lihi dooq kale aan ka aheyn inaan ku arko subaxaas si aan u runsado riyooyinkaas.
* Ha u qaadan macaan inaan kaa fogahey ee barkinta iga dhex fiiri waxaad arkeysaa anigoo ku dhahaya Xabiibi subax wanaagsan.
* Laba ayaa iigu xanuun badan waa inaan habeenkii kugu riyoon waayo iyo inaan subaxii ku arki waayo.
*Nafta xagaada ayaa habeenkii loo dheelmiyaa kaama soo tagto subaxii ee ogoow agtaada ayaan ku waabariista.
*Riyo kasta waxey rumoowdaa kolkaad subaxii fariin u dirto jaceylkaada ama ka hesho ee saaka si aan u rumeeyo riyadeyda waxaan ku leeyahey Subax WanaagsanXabiibi/Xabiibti.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment