Bulsha:- Wargeyska middleeastmonitor, ayaa daabacay in masuuliyiinta Imaaraadka Carabta ay xiriir la lahaayeen islamarkaasina lacag badan ku bixiyeen inqilaabkii dhicisoobay ee dalka Turkiga.
Wargeyska ayaa sidoo kale qoray in ninka lagu magacaabo Mohammed Dahlan, ahna muwaadin u dhashay Imaaraadka uu ahaa dalaalka u dhaxeeyay saraakiisha afgamiga hogaamineysay, Imaaraadka iyo wadaadka mayalka adag Fathulah Gulen, kaasoo lagu eedeeyay afgambiga islamarkaasina ku nool dalka Mareeykanka.
Mohammed Dahlan, ayaa la sheegay inuu lacag malaayiin Dollar ah ku wareejiyay saraakiishii hogaamineysay Inqilaabka kahor maalmo inta uusan dhicisoobin, waxaana lacagtaas uu ka qaaday Dowlada Imaaraadka.
Sidoo kale Wargeyska waxa uu sheegay in Mohammed Dahlan, uu yahay nin si aad ah ugu dhow sirdoonka dalka Turkiga.
Habeenkii uu socda Isku dayga Inqilaabka oo ku beegneyd 15-kii July, warbaahinta ka howlgasha magaalada Dubai, sida Sky news arabic & Al Arabia, waxa ay baahinayeen in afgambiga ka dhanka ah madaxweyne Erdogan uu guuleeystay.
Sidoo kale qaar kamid ah warbaahinta Imaaraadka ayaa baahisay, in habeenkaas madaxweyne Erdogan uu dalka ka cararay oo uu baxsaday.
16 saacadood ayay ku qaadatay Dowlada Imaaraadka ineey cambaareeyaan afgambigii habeenkaas dhicisoobay, waxeeyna hal saac oo qora ka dambeeyeen Sacuudiga oo isna 15 saacadood kadib cambaareeyay falkaas.
Kadib fashilkii ku dhacay afgambiga, waxeey Doowlada Imaaraadka dalkeeda ka eriday Mohammed Dahlan, kaasoo hada la tuhunsanyahay inuu magangalyo ka helay dalka Masar.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment