Bulsha:- Hablaha soomaaiyeed oo dibadda ku nool aad bay u qaataan diraca, siiba marka xafladaha la tagayo ama aroosyada, run ahaantii diraca ma habboona in lagu qaato maal aan ahayn qolka ninkaaga, waayo diraca ma aha dhar loogu talaggalay inaad ku qaadato banaanka, siiba diraca jabuuti oo khafiifka ah, soomaalida waqtigii dawladda waxay qaadan jireen dirac aad khafiif u ah, oo ay ka dhex muuqdaan naasaha iyo caloosha iyo xudunta gabadha, qaar waxay ku hoos wataan rajastiino ama rajabeeto oo naasahooda qarisa, qaarna maba wataan, naasaha waxaa la arkaa iyagoo sidooda ah, naag dirac keligiisa wadata wax ma dhaanto naag toos u qaawan, wali waxaa yaab badan hablaha qaarkood marka isla degan yihiin waxay qaataan diraca keligiisa isagoo kastuumo la’aan ah, waxay leeyihiin gabdho keliya ayaa ila degan waa caadi, shuunka oo dhan diraca ayaa laga dhex arkaa, runtii taas waa dabaalnimo iyo dulli, gabar haddii ay tahay yaa u baneeyay inay shuungaaga aragto?, shuunka waa cawro maxaayeelay wuxuu ku yaallaa farjiga, naag gabar kale cawradeeda ma arki karto, waxaa habboon inay gabadha guriga ku qaadato saako oo adag, taas ayaa asturaad ah.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment