Daawo:- Howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab oo bilaabanaya

Bulsha:- Taliyeyaasha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay shir xasaasi ah oo looga arinsanayay dib u billaabista howlgal ka dhan ah maleeshiyada Al-shabaab, kaas oo si wadajir ah looga fulinayo deegaanada Al-shabaab ay kaga harsanyihiin qaar kamid ah gobalada dalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa si wadajir ah godoominayay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo taliyaha howlgalka AMISOM Sareeya guud Cismaan Nuur Subagle.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Saraakiil ka kala socotay dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ee ka taagaara Xoogga Dalka Soomaaliya iyo AMISOM tababarka iyo Qalabeynta Ciidamada.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa kulanka ka sheegay in ciidamada XDS ay hoggaaminayaan howgalka cusub ee alshabaab looga Xoreynayo Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin la dagaalanka cadawga qaranimada Soomaaliya ee xiriirka la leh Al-qaacida.

“shirkaan waa kii ugu horreyay oo taliyeyaasha Qeybaha xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM ay isugu yimaadaan kuna qorsheynayaan istiraatiijiyadda dagaalka cusub ee ka dhanka al-shabaab, kaas oo dhawaan lagu qaadi doono deegaanada ay wali dalka kaga harsanyihiin al-shabaab, ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaana diyaar u ah in ay hoggaamiyaan” ayuu yiri Gen Maxamed Aadan.

Gen Maxamed Aadan Axmed ayaa ku boorriyay Saraakiisha dowladaha Saaxiibada la ah Soomaaliya in ay xoojiyaan dib u dhiska ciidamada Xoogga Soomaaliya, si ay Ammaanka dalka u hantaan marka la gaaro ka bixitaanka ciidamada AMISOM dalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada AMISOM Cismaan Nuur Subagle ayaa sheegay in dagaalka al-shabaab uu yahay mid ku dhufo oo  ka dhaqaaq ah islamarkaana aysan jirin awood ay isaga difaaci karaan howlgalka Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo AMISOM.

“AMISOM diyaar ayay u tahay howlgalka, Al-shabaab ma jirto ay maanta ugu babacdhigi karaan howlgalka ciidamada, waxaana rajeynayaa in shacabka Soomaaliyeed ay dhawaan maqli doonaan warar ay ku farxaan” ayuu yiri S/Guud Cismaan Subagle.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment