Bulsha:- Gabar kamid ah kuwa ku nool magaalada Muqdisho , ayaa xalay xaflad dhalasho ah ku qabsatay Hotelka Beach View ee ku yaal Xeebta Liido Degmada Cabdul Casiis.
Intii ay xaflada socotay ayaa Gabadhan waxaa Hadiyado kala duwan gudoonsiiyay qaar kamid ah saaxiibadeeda, waxaase la yaab lahayd in Hadiyadaha la gudoonsiiyay ay kamid ahayd Biskoolad.
Arintaan ayaa xalay ilaa maanta waxaa si aad ah looga hadal haayay baraha bulshada ee ay Soomaalida ku kulanto, kadib markii ay gabadhan barteefa Facebooka soo dhigtay sawirka Biskoolada Hadiyad ahaanta loogu keenay.
Soomaaliya oo 20 sano dagaalo ku soo jirtay Ma ahan wax cusub in tani dhacdo. Meelaha qaar canug dhasho ayaa rasaas loo ridaa ama aroos ayaa rasaas loo ridaa
Laakiin is bedelada dalka galay sanadihii u dambeeyay waxaa ku soo kordhay In ragga iyo dumarka ay dhigtaan xaflado dhalasho.


_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment