Bulsha:- Buundada ugu dheer caalamka ee ka sameysan dhalo, taasoo la isaga gudbo labo buur oo ku yaal dalka Shiinaha.
Buundadaan ayaa waxaa isku xireysaa buuraha Zhangjiaye ee gobolka Hunan, waxaana maalin walbo loo ogol yahay inay usoo dalxiis tagaan Sideed kun oo ruux.
Sida ay sheegeen qabiirada dhisay buundadaan, waxay dhulka u jirtaa 300 mitir, dhirirkeeduna wuxuu yahay 430 mitir, halka balaceeda lix mitir lagu sheegay, waxaana markii la furay dadkii soo booqday loo ogolaaday inay burus ama tube ku garaacaan muraayada, taasoo ka yaabisay dadkii wax tirir ahna aysan gaarin.
Qofka ku soconaya ayaa wuxuu toos u arkayaa dhulka, meesha uu ku soconayana ay tahay muraayad dhalo ah.
Dhismaha muraayadan ayaa waxaa ku baxay dhaqaale gaaraya 3.4 milyan oo dollar, waxaana dalxiisayaasha doonaya inay ku socdaan ay bixinayaan 18 dollar.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment