Banaanbax ka socda Magaalada Muqdisho iyo Taalada Daljirka Dahsoon oo ay Haween soo Buuxdhaafiyeen

Bulsha:- Caasimadda Muqdisho ayaa waxaa iminka ka socda Banaanbax ay soo qaban qaabiyeen Ururada Haweenka dalka ka jira, waxaana ay isugu yimaadeen taalada Daljirka Daahson ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana Banaanbaxani oo ka socda taalada Daljirka Daahson ka qaybgalaya Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka Soomaaliya.


Haweenkan ayaa ujeedka ay u banaanbaxayaan waxa ay tahay inay Dowladda cusub ka helaan qoondada Haweenka loogu talagalay ee ah boqolkiiba 30%.

Haween badan oo la soo abaabulay ayaa ku dhawaaqaya erayo ku aadan helida qoondada haweenka loogu talagalay ee dhanka Siyaasada, xilli Magaalada Muqdisho uu ka socdo Shirka looga hadlaayo Doorashooyinka dhawaan dalka ka dhacaya.

Waxayna Haweenkani Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ugu baaqey inaysan ilaawin kaalinta Dumarka ee Siyaasada, maadaama Haweenka door muuqato ay ku leeyihiin Nabadda Soomaaliya.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment