Soomaali Khaniisnimo isaga dhiibay Sweden iyo sharaf dilkii ku qabsadey Maxkamadda

Bulsha:- Iyadoo Sweden ay adkaysay bixinta sharciyada deganaanshaha, isla markaana ay qaasatan ku adkeeyeen Soomaalida oo loo arko dad wadankoodu xasilay, ayaa waxaa soo baxaya kiisas dad Soomaali ah oo qaniisnimo isku dhiibay si ay Sweden sharci ugu helaan.

Inta badan qaxootiga ayaa sheegta in ay wadamadooda dagaal uga soo carareen, balse waxaa jira qaxooti sheegta in wadamadooda ay uga soo tageen habka ay u galmoodaan.



Nin Soomaali ah oo magaciisa qariyay ayaa Iswiidhan yimid 2012-kii. Wuxuu yahay khaaniis Soomaaliya ka soo qaxay si u nabad ugu noolaado Sweden, balse diidmo ayuu ka helay Laanta socdaalka. 

Wuxuu hadda sugayaa in waddanka laga saaro oo Somalia lagu celiyo.

Ninkaan ayaa markii uu isdhiibay aan sheegin in uu khaniis yahay balse markii sharciga loo diiday ayuu sheegay in uu khaniis yahay taasoo u muuqata mid uu ku doonayo in uu sharci ku helo
“Weey igu adkayd in aan soo hor fadhiisto turjubaan soomaali ah oo aan afka ka idhaahdo waxaan ahay nin soomaaliyeed oo khaanis ah” ayuu sheegay.

Dhanka kale ayuu dhaleecaynaya sida ay laanta socdaalku u xallisay kiiskiisa. 

Tusaalahan ayaa marku maxkamada sare ee socdaalka soo fadhistay la weeydiyaay suaalo sharci darro ah, sidee ayey khaniisiintu u galmoodaan, waalidkaagu mey ogyihiin in aad tahay khaniis, khaniisintu soomaaliya iyaga oo gacanta is hayya wadadda may mari karaan?

In sharci doonka la weeydiiyo su’aalo qoto dheer oo sharafta shakhsiga dilaya ayaa manmuuc ah. 

Sidaasna waxa ay ku qoran tahay sharciga u yaalla heeyada socdaalka.
Sofia Sjöö ayaa qaabishan arrimaha la xidhiidha sharci doonka wadamadooda uga soo qaxay habka ay u galmoodaan, waxaa af iswiidhishka lagu yidhaahdo HBTQ personer.

Idaacada Sweden oo Sofia ka wareeysatay qorshaha ay hay’adda socdaalku u heyso dadkan ayey sheegtay in ay jirto qorshe ku saabsan habka loo qaabilayo dadkan, hasayeeshe in ay waxbarashadii ay ugu talo galeen dadka heeyadan ka hawlgala si ay u kordhiyaan aqoonta la xidhiidha dadka isku jinsiga ah ee nolosha wadaaga iyo dadka jinsiga ay ku dhasheen u bedela ka kale.

Waxbarashadan oo ay Iswiidhan la soo saartay wadamadda midoowga Yurub ee EU ayaan weli laga bilaabin hay’adda socdaalka. Sababta ayaa ah, ayey sheegtay Sofia Sjöö, in ay sannadkii ugu dambeeyay qaxooti faro badan soo gaareen Iswiidhan.


-Shaqadii kale ayaa nugu faro badatay, waana ka xunahay, ayey sheegtay Sofia Sjöö.

Stig Åke Pettersson, oo ah gacanyare ka tirsan urur lagu magacaabo RFSL oo u dooda xuquuqda sinnaanta galmada, ayaa dhaleecayn xoog leh u gudbinaya hay’adda socdaalka.

“Waxay ku xirantahay dadka baadhitaanka sameeynaya, in qofka sharci la siiyo ama loo dido, sideed sanno ayey heeyadu isku dayaysay in ay aqoonta la xidhiidha dadkan kordhiyaan, welina isbedel kama arko, ” ayuu sheegay Stig Åke Pettersson.



iSha: SLK







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment