Sheekooyinka galmada ay dumarku jecel yihiin in ay raga ka maqlaan ?

Bulsha:-  Nolosha wanaagsan ee qoysku iyo jiritaankiisu waa mid u baahan daacadnimo, niyad wanaag iyo dhaqan wacan oo xilikasnimo ay ku jirto. Taasi oo laga doonayo in ay ku dhaqmaan labadda qof ee lamaanaha isu ah.
Haddii aad rabto in aad nasiib u yeelato in uu jacaylkiinu noqdo mid waara, ha dhaliilin lammanahaaga, ha u soo jeedin wax dhaliil ah, hana canaanan. Haddii khalad idin ka dhex dhaco adiga iyo lammanahaaga si degenaani ay ku jirto isku daya in aad ku xalisaan.
Hadii aan u daadagno nuxurka hadalkeena, sheeko noocee ah ayay gabadhaadu ka heshaa? Waa su’aal ay adagtahay inaad ogaataa, waayo waxaa laga yaabaa inaydaan isku waxba ka helin. Tusaale ahaan waxaa laga yaabaa inay iyadu ka hesho sheekooyinka madadaalada iyo filimaanta musalsalka ah. Adiguna laga yaabaa inaad ka hesho wararka iyo dhacdooyinka dunida.
Hadaba maadaama oo aad guri ku wada nooshiin, wakhtibadana wada qaadanaysaan kolay waa inay meesha timaadaa sheeko ka duwan tii usbuucii hore aad ka sheekaysay. Taa micnaheedu waxaa weeye sheeko cusub ayaa lagaa rabaa. Sheekaysiga iyo faro ka ciyaarka u dhexeeya lamaanaha ayaa qaybwayn ka qaadata kobaca jacayl. Hadaba maxaa kula gudboon inaad ka taxadarto?
Majecla dumarku inay maqlaan ninka oo ka sheekaynaaya hadii yaraantiisii mid ay saaxiib ahaayeen uu lagday ama yara sabaaxadeeyay.Dumarku had iyo jeer way kasoo horjeedaan astaamahan fulaynimada muujinaya in ninkoodu ku sifoobo. Dumarku intabadan majecla inay kaa maqlaan amaanta gabadh aad yaraantiinii xidhiidh wada lahaydeen.

Sida badanaa dhacda, ragu waxa uu diirada ku hayaa waxa ka dhacaaya aduunka iyo dunida muslimka. Waxaa iska dhacda in rag badini inta badan ay dumarkooda uga sheekeeyaan arimaha Falastiin, Ciraaq iyo Maraykankii inta laga laayay, Baakistaan iyo qaraxyada lala beegsanaayo iyo Afqaanistaan iyo NATO waxa kala haysta. Waa hadii uu yahay oday caalamka la socda ee.

Hadii kalana
waxaa laga yaabaa inuu ka sheekeeyo inay maanta reer hebel shir la yeesheen oo magtii badh laga daayay, mid yar oo la dakhray ay lacagtii baanta uqaadeen, reerkooda loo magacaabay wasiir, halka reer hebelna agaasime loo magacaabay.Waxaa laga yaabaa inay haweenaydu sheekadan dhibsanayso isna aanu dhaadanayn.

Waxa ay jeclaan lahayd in iyada nafteeda laga sheekeeyo; inay tahay qof labiska ku soo baxda, cuntaday karisay maanta inay tahay mid aan hore loo arag dhadhankeeda iyo damcadeeda.Hadii uu jiro shaadh ay sifiican u kaawiyadaysay iyo shaaha ay kariso mooyee shaah kale udhadhamin.
Waxa ay jeceshahay in aad uga sheekayso waqtiyadii quruxda badnaa ee aad soo marteen bilawgii guurkiina, ka hadashaan hadii ay jiraan qorshayaal in aad dalxiis meel uun ugu baxaysaa. Ninku waa In uu u sheego oo ku amaano haddii uu arko guriga oo nadiifa oo tilmaamo in ay inay gaari tahay.

Raga intooda badani ku ma dadaalan inay gabadha farxadeeda joogteeyaan. Waxaa laga yaabaa inay ku adagtay inuu xaaskiisa udhaafo dhambaal yar oo ay ku qorantay “I love you” ama waan ku jecelahay. Dhambaalkaa yar ayaa haweenayda ugu fadhiya macno wayn.Halka kuwo kalakan ku guul daraystaan inuu xaaskiisa macaan, xabiibi, gacaliso ku yidhaa ama magaceeda oo saddexan ugu yeedho. Halka raga qaar ay kuba adagtay inay dumarkooda dhunkadaan, hadalkalooda fiicani haba joogee.

Waxaad ogataan weji furnaanta,qosolka iyo faraxadda badan ee idin ka dhaxeysa in uu saldhig u yahay jacaylka dhabta ah ee waara. Hadaba mudane aan kuu dhaafo su’aashanee, adiga oo qosli kara, isla markaana si faraxad leh ula ciyaari kara xaaskaaga, maxaa keenaya weji xidhnaan sababi karta burbur ku yimaada qoyskiina?








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment