Bulsha:- Kooxda Manchester United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay saxiixa xidigii kooxda Borussia Dortmund ee Henrikh Mkhitaryan. Tababare Jose Mourinho ayaa haddaba sameeyay saxiixii afraad ee kooxdiisa cusub ee Man United waxaana xagaagan Old Traffrod ku soo biiray xidigo ay ka mid yihiin Eric Bailly, Zlatan Ibrahimovic iyo Henrikh Mkhitaryan.
Warka ay Manchester United ku xaqiijisay in ay Henrikh Mkhitaryan si rasmi ah ula soo wareegtay ayaa lagu yidhi: “Manchester United waxay ku faraxsan tahay in ay ku dhawaaqdo in Henrikh Mkhitaryan uu dhamaystiray ka soo wareegistiisa Borussia Dortmund. Henrikh Mkhitaryan waxa uu ugu soo biiray kooxda qandaraas afar sano ah oo uu doorasho u haysto in uu sanad dheeraad ah ku kordhiyo”. Man United ayaa Mkhitaryan ka soo bixisay 26 milyan oo gini.

Xidiga xulka qaranka Armenia ee Henrikh Mkhitaryan oo 27 sano jir ah ayaa 140 kulan ka soo ciyaaray kooxda Borussia Dortmund wuxuuna u soo dhaliyay 41 gool.Henrikh Mkhitaryan ayaa Dortmund ku soo biiray sanadkii 2013 kii wuxuuna ka soo wareegay kooxda ree Ukraine ee Shakhtar. Xili ciyaareedkii dhamaaday Henrikh Mkhitaryan ayaa 23 gool udhaliyay kooxdiisii hore ee Dortmund oo uu u safty 32 kulan. The Armenian international joins United after spending three years in the Bundesliga at Borussia Dortmund
Henrikh Mkhitaryan ayaa loo doortay xidigii horyaalka Germany ugu fiicnaa kadib qaab ciyaareed cajiib ahaa oo uu ku soo badhigay kooxda uu hadda ka soo wareegay ee Dortmund.Henrikh Mkhitaryan ayaa iska diiday inuu wax heshiis ah u saxiixo Dortmund wuxuuna heshiiskiisu dhacayay sanadka 2017 iyada oo Dortmund ay sheegtay in dalab wayn ay ka heshay kooxda Red Devils isla markaana ay go’aansadeen in ay Henrikh Mkhitaryan iska iibiyaan halkii uu xagaaga danbe bilaash kooxda kaga bixi lahaa.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment