Qof shidan oo indhaha u roon in aad noqotid ma rabtaa

Bulsha:- Qofkaste oo inaga mid ah ayaa waxa uu rabaa inuu noqdo qof indhaha iyo quluubta dadka soo jiita, soo jiidashadan ugama jeedno qurux oo kaliyaata, balse waxa kal oo aynu uga jeednaa la dhaqanka wanaagsan ee dadka, iyo waliba wanaaga aad rabtid inay markste kugula dhaqmaan dadku, halka aad rabtid inaad ku reebtid raad wanaagsan, iyo jacaylka ay ku jeclaadaan dadka kale.

Hadaba Nalamaadso.com.com waxay kuu soo gudbinaysaa dhawr tallaabo oo ay haboontahay inaad raacdaa si aad u noqotid qof soo jiidad leh

Ka takhallus dhawrkan sifo;

Si aad u noqotid qof soo jiita dadka kale waa inaad ugu horayntii ka takhallustaa sifooyinkan kaa hor istaagaya inaad soo jiidatid dadka, kana takhallusaya shakhsiyadaada, waxaana weeye: Cabsida, kalsooni darrada nafta iyo shakiga.

Cabsida: waxaana aynu uga jeednaa inaad noqotid mid ka cabsada tijaabo kaste oo aad galaysid, qof kaste oo cusub oo aad ku khasban tahay inaad la macaamishid, waa inaad noqotaa qof ku nool nolol caadiya, aan waxbana ka cabsan.

Kalsooni darrada nafta: waxa weeye inaad naftaada ku qancisid inaad waxba qaban karaynin, taasina waa khalad aad u wayn, waa inaad aamintaa inaad si buuxda u qaban karto wax kaste oo aad rabto inaad qabitd, isla markaana ku najixi doonto.

Shakiga: waa inaad ku kalsoonaan waydo cida ku hor joogta, haday doonto yaanayba ka muuqan wax aad kaga shakidaa, taasina waa khalad kale in aad ka shakido cid kaste, isla markaana ka shikiyi waydo cidnaba, khayrku iyo wanaaguna waxa uu ku jiraa dhexdhexaadka.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment