Noocyada guurka gabdhaha iyo macaanka galmada

Bulsha:-  Taariikh ahan hab dhaqameedka guursiga gabdhaha soomaaliyed waxa uu ahaa mid soo taxnaa intii Soomaaliya jirtay, waxaana uu u kala baxaa mid dhow iyo mid khaas ah. Guurka dhow waa kan xigtadu is guursato, kan dheerina waa kan labo qof oo abtiris ahaan kala fogi isguursadaan, waana kan Soomaalidu jeceshahay.

Nooc kasta ha noqdee, hab dhaqanka guurka dumarka soomaaliyeed waxa uu soo maray qaabab iyo marxalado badan oo aad u kala duwan, kuwaas oo iskugu jira kuwan caam ah oo lagaga dhaqmo dhamaan geyiga soomaaliyeed iyo kuwa ku eg meelo gaar ah. Waxaa tusaale ahaan usoo qaadan karnaa kugu ugu waa weyn, oo kala ah: Boojaal, labixida hablaha, dumaalida, bixinta hablaha, qoofaalka, hareenka, udub-qabsi, qudba-sireeda, iwm.





Boojaal: Waxaa uu ahaa qab dhaqameed guursi aad u qalafsanaa, kaas oo la kala dhici jiray gabdhaha iyo xoolaha ay la joogto, kadibna sidaas baa lagu guursan jiray, xurmo iyo xiddidnimo midna malahayn, waxayna keeni jirtay iska hor imaadyo dhiig ku daato. Taasi maanta waa mid dabar go’day dalka Soomaaliyeed.



Qafaalka Hablaha {dhabar garaac}: Waxa uu ahaa guursi aad u qalafsan oo gabdhaha xoog lagu muquunin jiray, taas oo go lagu ridan jiray ama faras fankiis lagu qaadi jiray, inkasto oo u dhac ahaa hadana gabdhaha sidaas lagu guursado, waa la is kula xiddi jiray. Nooca guurkani waa mid maanta ka sal guuray dalka Soomaaliyeed.

Heeranka Hablaha: Waxa uu ahaa qaab guursi hore oo hablaha soomaaliyeed iyaga oo calaf doon ah inta ay reerkooda ka tagaan bay cido kale u tagaan. Inta badan hablahaas xil weyn baa la iska saari jiray, siiba duqayda reerkaas. Waxayna siin jireen raga fiican oo ay hubaan in ay gabdhaha si fiican u dhaqaan. Gabdhaha habkan lagu guursado si fiican baa loogu xiddidi jiray.

La Bixida Hablaha {La Roorka}: Waa qaab guursi caan ah oo illaa maanta ka jira dalka Soomaaliyeed, miyi iyo magaalaba, marka hore way isa shukaansadaan ka dibna way isla baxaan. Waxaana la isla tagaa meel masafo ah oo lagu meheriyo.



Dumaal: Waa hab dhaqan guursi ah oo muddo soo taxnaa illaa hadana si caam ahaana ugu jira dhulka Soomaaliyeed. Waxaa uu dhacaa markii naag nin leh uu ka dhinto, waxa naagtii dumaala marxuumka walaalihiis ama xigtadiis.


Qudba Sireed: Waa guur qarsoodi ah oo ee ay og yihiin labada is guursatay, wadaadka wax mehershay iyo markhaatiyaasha oo keliya. WAana waxa ay ku heshiiyeen labada is guursatay, taas oo laga yaabo in ka baqeen ragbasho dhaca sida xaasaska kale.



Udub Qabsi: Waa hab gabadhu inta ay nin dush ka jeclaato gasho ninka gurigooda, waxayna ay qabsataa udub-dhexaadka ama sariirtiisa, waxaan caado inta badan ah in halkaas gabadha lagu meheriyo ama xaal weyn la siiyo. Nooca guurkani illaa hada wuu jiraa.



Bixinta Hablaha: Waa hab dhaqan guur ee soo taxnaa muddo dheer, illaa maantana waa mid si caam ahaan ah ugu jira dalka Soomaaliyeed.



Soomaalidu waxa ay gabdhaha isu siiyaan siyaabo faro badan, hadaan tusaale idiin siiyo waxaa kamid ah:



Doonis

Godobtir

Xigsiisan

Ku Xamaynta








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment