Bulsha:- Haweenka qaarkood ayaa si weyn uga sheegta in uu shiir (Ur) uu ka soo baxo xubintooda taranka taasi oo ku reebtay wel wel , lagana yaabo in dhibaatooyin qoys ay ku reebto .
Hadaba Maxaa Keena Shiirkaas , Dawo Ma Leeyahay , Goormuu Inta Badan Yimaadaa ?
Shiirkaasi ka soo baxa xubinta taranka haweenka ayaa waxa uu ka dhashaa infekashan dhanka bekteeriyada ah (Bacterial infection) iyadoo infekshankaas uu ka dhasho cilad ku timaada isu dheeli tirnaanta noocyo gaar oo ah bakteeriyada loo baahan yahay ee dhab ahaan laga helo xubinta taranka haweenka.
Hadaba Maxay Tahay Bakteeriyadaas Loo Bahan Yahay, Maxaana Loola Jeeda Qal-qalka Ama Ciladda Ku Timaada Kobaca Bakteeriyada?
Inta badan haweenka waxa ay leeyihiin noocyadaas la yiraahdo bakteeriyada anfaca leh ee xubintooda ku jirto waxaana la yiraahdaa Mobiluncus Iyo Gardenella.
Balse haddii ay kordhaan oo ay bataan labadaan nooc ee bakteeriyada loo baahan yahay waxaa taasi ka dhalaneysa infekashanka loo yaqaan Inflammation of the vagina anaerobic.
Hadaba Sidee Ku Ogaan Kartaa In Xubintaada Taranka Shiireyso?
Waxaa suura gal ah in arintaan shiirka ka soo baxaya xubinta ku ogaato laba xaaladood midkood , marka koowaad waa galmada ka dib ama marka aad ka qubeysato dhiiga caadada ah .
Waxaana xusid mudan in xaaladahaan ay la socdaan qoyaan biyo camal ah oo xubinta taranka qoynaya midib ahaanna ah Gray color.
Maxaa Xal U Ah Arintaan:
Dhab ahaan xal ugu sahlan waxa uu yahay in la isticmaalo Antibiotic-ga loo yaqaan metronidazole oo isugu jira kaniini iyo sharoobo sidoo kale Haweenka qaar ayaa isticmaala liin dhananta amaba mariya xubinta taranka taasoo yareeysa caabuqa ama infakshanka dheecaanka ka yimaada xubinta taranka taasoo keenta shiirka.
Waxaa la cadeeyay in dawadaan wax tar weyn u leedahay infakshanadaas , fadlan ha is ticmaalin adiga oo taqatar uusan kuu qorin.
Ugu Dambeyntii Arintaan Ma Lagu Tilmaami Karaa Cudur Halis Ah?
Dhab ahaan haa hadii sida ugu dhaqsiyaha badan la isaga daaweyn , waxa uuna keena sida taqaatiirtu tilmaameen ilmaha oo dhasha iyadoo aan xiligood la gaarin(Dhicis)
Fadlan Ceeb ma ah ka hadalka arimaha ku saabsan galmada iyo waxa la xariira sidaa darteed commentiga aad bixineyso ha ahaado mid dhowrsan kana fog cayda.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment