Bulsha:- Haween badan ayaa jira oo aysan ragga ka helin dhanka sariirta waxa ayna ragga si weyn u neceb yihiin haweenka wajigooda uu is bedelo marka la soo gaaro doorkooda baashaalinta(istiiminta).
Waxa ayna ragga aaminsan yihiin in waji bedelkaas uu ku filan yahay in uu bur buriyo xariirkii socday waxa ayna ugu dambeyntii keeneysa in ninka uu naco kulaka macaan ee sariirta .
Sidoo kale wax yaabaha bur buriya ciyaarta sariirta ayaa ah in haweeenydu ka cabsato in ay isku daydo sameynta arinta cusub , tusaale haddii ninka uu doonayo in lamaantiisa xiliga sariirta in ay u xerato dhar kacsi laga qaadayo oo jirkeeda muujinaya ma ah in ay tiraahdo waa mustaxil oo waxaa haboon in ay u sameyso ,
In aadan aqoon goobaha aad ka kacsato , haweenka badan ayaa dareema gariirka galmada kaligood halka ninka uu doonayo in waqti uu giliyo si lamaantiisa macaanka u gaarsiiyo hadaba waxaa haboon in aad ninka u sheegto goobaha aad ka macaansato ogoow sahal ma ah in si fudud aad gariirka galmada ku gaarto .

In aad noqoto mid aan wax ku ool aheyn , hadii aad ka sugeyso ninkaada in isaga uu bilaabo baashaalka runtii wax jira ma tihid waad ku guul dareysaneysaa ciyaarta macaan, ee haka sugin in baashaalka isaga bilaabo ee adiga xitaa ku bilaaw oo dareenkiisa kici hawada ha galee .
In aad dhibsato tani waa dilaaga ugu daran macaanka sariirta ogaaw sariirta waa goob naxariis laga rabo iyo farxad ee ha sameyn kulanka adiga oo dhisanaya ee ahaaw mid u diyaar garowday kulanka.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment