Fariin jaceyl : Ii Ogolow In Aan Gacmahaaga Ku Noolaado Waliba …

Bulsha:-.  Ii ogolow inaan gacmahaaga ku noolaado,hadaad maalin keliya iga maqnaato ama aan waayo codkaaga waxaa iga luma deganaanta,maskaxduna dhankaaga ayey u janjeertaa.

Weli iguma filna jaceylkaaga,xilli kasta oo aan sii dhedhemiyana waan ku sii milmaa,kumaan mar hadii aan ku iraahdo waan ku jeclahay waxey ila tahay inaaney ku filneyn.

Ma jirto Qofna ma awoodo iney iga kaa fogeyso ama xado jaceylkeena, U ogolow jaceylkeena inuu sii noolaado kumanaan sano,islamarkaana dunida inteeda kale aan iska weheshano.

Waxaan si wadajir ah u dhisanay riyo aad u macaan,aan ka dhabeyno riyooyinkaas kuwa rumooba.

Taariikhda caashaqeena waxey salka ku heysaa jiritaanka nolosheena,waxay ku bilaabatay kaftan ilaa mowjadaha jaceylka ay meelo fog nagaarsiiyen,

Qalbigeyga gudahiisa waxaa ka buuxa xusuuso aan hilmaami karin oo an waqtigii aan soo martay,Ma ogtahay nafteydoow in maalinta ugu dambeyso ee qisadeydaan inaan ku jeclaan,kuuna jeclaan doono dareen la mid ah kii ugu horeeyey ee aan kuu qaaday.
Markii ugu horeysay ee wadnaheygu bilaabay inuu dikaamo adiga ayuu kuu garaacmay,adiga ayaa nasiib u yeeshay in qalbiga iyo maskaxda inaad mashquuliso,indhaha u diido sawirkaaga mooye mid kale iney arkaan,Naftaan adigaa hogaanka u haayo har iyo maalin, waana ii ciid saacadaha aan wada qaadano.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment