Xiriirka Jaceylkaaga Oo Qoto Dheeraado Waxaa Sababo Adigoo Ku Dhaqmo Arimahaan Aadka U Cajiibka Ah..

Bulsha:-  Sirta ka dambeeysa in uu xidhiidhkaaga qoto dheeraado waa inuu sir kuu ahaada dhamaan wax yaalaha ku saabsan xidhiidhkaaga.

Jooji inaad la qeybsatid sirta xidhiidhkaaga qof kasta sida ( caqabadaha, dagaalka, sirta labadiina idinka dhaxeeyso iyo qaladaadka, hiigsiga mustaqbalka iyo goolashaba, wixii horey loo soo maray iyo waqtiyadii farxada).

Ma ahan in qof kasta oo kugu heeraarsan uu kaa taxadaro ama uu kuu rajeeynaayo wanaag. Qaar baa iska dhig dhigaayo ineey wanaagsan yahiin iyo ineey kuu rajeeynaayan wanaag laakiin saa,id beey u yihiin sun mana u qalmaan in lasoo dhaweeysto.

Sirta xidhiidhkaaga ku keeydso lamaanahaaga. Markuu is fahan waa idin dhex galo, la fadhiiso lamaanahaaga oo kala hadal is fahan waagaas.

Hadii aad adiga tahay qofka khaldan qiro oo ka raali geli. Hadii loo baahdo inaad ka tanaasusho wax yaalo fadlan ka tanaasul adigoo fiirinaayo xidhiidhkaaga, hadii eeysan socon taasna, talo ka raadi qof xaasle ah, wadaad ama labadiinaba taga masaajida oo ka raadiya caawin.

Jaceylkaaga oo aad u qoto dheeraado waxaa sababi karo waa adiga iyo sida aad ula dhaqanto lamaanahaaga…








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment