Bulsha:- Raggu waa abayaasheen, walaaladeen, nimankeenna, dhamaan qoyskeenna oo dhan. Waa inaan qirnaa wanaagooda iyo xumaantoodaba. Lakiin in marwalba la dhaliilo ama la canaanto waa shay aad u qaab daran oo laga fican yahay.
Raggayagu dahabsanaa. Waxaan maqaalkan isku barabar dhigaya ragga Soomaalalida ama muslimkoo dhan iyo ragga reer galbeedka.
Ragga soomaalida
1: Waa rag xaqdhowra dumarka
Ragganu aad waxay u xaqdhowraan dumarkooda iyo walidkood, iyaga oo aad u xaqdhowra hoyoyinkood inkastoo ay jiraan dad fara ku tirisa oon xaqdhowrin walidkooda iyo dumarkooda.
2: Way u naxariistaan dumarkooda
Way u naxariistaan dumarkooda. Tusaale haday gabadhi soo korto gabadhi, wiilka Soomaliyeed gadhiga saran yahay, lagama yaabo inuu sii fadhiyo gabdhuna ay taagnaato. Wuxuu markiiba uga kacaa kursiga. Sidaas waxay kuu mujinaysaa naxariista ay innooo hayaan Raggeennu.
3: Waxay quudiyaan haweenkooda
Waxa ay quudiyaan haweenkooda iyo hoyooyinkood, walaaladood iyo dhamaan qoyskooda oo dhan mid yar iyo mid wayn, agoon iyo maati mid ah ba, waxay ku cawiyaan waxay haystaan iyagoon u xisaabin.
4: Dumarkooda aad bay u qimeyaan
Waa ay qimeeyaan dumarkooda. Taa waxa ku dareensiinaysa majiro Aabe inantiisa dabada u tuuriya iyadoo aan isku filnayn amma aan laga guursan. Waxay qadaan mas’uuliyada inantooda ilaa inta uu kala wareegayo kii hantiyi lahaa ee marwao ka dhigan lahaa.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment