Bulsha:- Gabadhay aroosada ee mar qudha indhaheeda wayday oo saygeedu aad u jeclaa, ayaa arrintaa waxba ka soo qaadin, sidaasi ayeyna habeennkaas ku dhammaatay xafladdii arooskeedu.
Aqalgalkoodii kadib saygii gabadha oo aad u jeclaa iyo hooyadeed, waxay u geeyeen dhakhaatiir badan, kuwaas oo sheegay cudurka hayaa inuu yahay mid ay garan kari waayeen, balse muddo iyada iyo saygeeda oo xaaladdaa ku nool oo ay u dhashay dhowr carruur ah, ayaa maalin waxa u timi hooyadeed oo u kaxaysay sheikh lagu sheegay inuu ka daweeyo dadka cudurro badan oo hayey oo ka ka cabbanayeen.
Sheekhii markii ay u tageen waxa uu u sheegay in la cawriyey oo caafimaadayso marka qofkii ishiisa raacday uu dhinto, taasina waxay keentay in sheekhii quus ku xambaarsan ayey ka soo laabteen.
Haseyeeshee, dhowr bilood kadib subax subaxyada ka mid waxay gabadhii soo toosay iyadoo wax arkaysa, taas oo farxaddii arrintaa kala kulantay waxay u horseeday inay telefoon u dirto gurigii hooyadeed oo u sheegto inay wax arkayso oo indhuhu u bogsadeen.
Telefankii ay dirtay waxa ka qabtay walaalkeed oo ay u sheegtay farxadda ku dhex jirto, haseyeeshee farxadeedii waxa murugo u beddelay walaalkeedii oo markii ay ka codsatay inuu ugu yeedho hooyadeed cod murugo leh ugu jawaabay; ‘Hooyo Alle ha u naxariistee saacad ka hor ayey dhimatay.
Nebiga (NNKHA), ayaa yidhi; ‘Ishu waa xaq, midkiin hadduu ka helo oo aad u jeclaysto ubadkiisa ha yidhaahdo Mansha Allah, awood iyo arrinba Alle oo keliya ayey u sugnaatay.” Hooyadeed jacaylka ay u qabtay iyo quruxdeedii ay ladhacday, iyadoo aan is ogeyn ayey il la raacday.
Warbixin Aan Sugneen Balse Dareen Aqris Leh.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment