Sidee ku kasban kartaa qalbiga qofka aad jeceshahay

Bulsha:- qof kasta oo inaga mid ah wuxuu ku dadaalayaa sidii uu kasban qof ka uu xiriirka la leeyahay ama uu jecelyahay, kasbashada qalbiga qofka kuma eka oo kaliya adiga oo dhaha waan ku jeclahay "i love u", balsa waxaa loo baahan yahay dadaal dheeri ah taas oo marka dambe ka dhiga karta qofka aad jaceshahay mid kuu soo jeeda ama daneeya arimahaaga,  qaababka lagu kasbado qofka aad dareenka u heeso waxaa ka mid ah:

  • Ku dheh ereyo macmac



waa hubaal qofka aad jeceshahay hadii aad ku dhahdo ereyo macmac laga dareemayo naxariis iyo raxmad in qof ka aad jeceshahay uu qalbigiisa isagane kuu dabci doono, markasta aad la hadleeso ku dheh qofka hadal isaga dareenkiisa soo jiita.

  • Ha dhihin waad qaldantahay



macnaheeda ma ahan in aad qof ka aad jeceshahay hadii uu xumaan sameenaya in aad shib uga dhahdo, xumaanta way ka reebantahay qofka muslimka ah, laakiin mida aan uga dan leenahay ayaa ah waxaad is dhaafsateen afkaar marka haku dhihin fikirkaaga wuu qaldanyahay ama fikir liito ayaa soo gudbisay iyo in aad sidaan u fikir gaabantahay uma heesan, ku dadaal in aad ku dhahdo fikirkaaga waa ok laakiin hadii aan sidaan ka sii dhahno maxay kula tahay, markasta ku dheh fikirkiisa waa fikir fiican uguna dhax qari fikirkiisa meesha uu ka qaldanyahay adiga saxaya, wuxuu ogaan doonaa in aad markasta ka qabato afkaaro qaldan adiga ooo adgeesanaya ilbaxnimo taas waxay kaa saacid kartaa soo jiidashada qofka.

  • Markii aad wada hadleesaan sifiican u dhageeso



Dhageesiga qof waa qeeb kamid soo jiidashada qofka aad dooneeso, qof kasta markii uu doonayo in uu war gudbiyo wuxuu jecel yahay in uu warkaas u sheego qof si fiican kaga dhageesta, ha noqon qof markii hadalada loo sheegayo ka mashaquula ama tusiya in hadalkiisa uu kuugu socon, samee in aad wajigiisa fiiriso wax yar kadib u dhax gali dhoola cadees hadii uu hadalkiisa leeyahay wax yaabo qosol leh si fiican ugu qosol, waa hubaal in uu ku jeclaan doono qofkaas.

  • Wac ama udir SMS



umuuji in aa daneeneeso arimihiisa, waydii xaaladihiisa iyo wuxuu ku sugan yahay, xiliyada ugu fiican waa xiliyada uu cuntada cunayo qofka aad dooneeso iyo markii uu seexan rabo noqo qoka ugu dambeeyo uu lahadlo, habeenkii wuu fikirayaa wuxuuna ka fikiraa qofka ugu dambeeyay taas isagane qalbigiisa uu gali doono dareen aad uwayn.

  • Caawi xiliyada uu dhibka ku jiro



waa fursadaha mida ugu qaalisan ee looga faa'ideesto qofka aad jeceshay qaabka aad ku kasban karto adiga oo u muujinaya in aad rabtid in aad wax ka qabatid, u dhis niyada, waydii wuxuu u baahanyahay oo caawimaad ah, haka caajisin in aad wax la qabato.

W/Q: Daalac Daahir Shoot







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment