Bulsha:- Qiso jacayl oo layaab leh ayaa waxay ka dhacday saldhiga booliiska magaalada Jowhar, waxaan socod kusoo maray saldhiga hortiisa waxaana la kulmay meel lagu xoonsanaa oo buuq ka taagan yahay waxaa markiiba indhahaygu qabteen wiil da’diisu ay ka yarayd ilaa 20jir ah.
Wiilkii baa dibada loo soo saaray ka dib baan gacanta ka qabtay dad badan oo halkaasi kusoo leexday baan ka codsaday inay iska kala tagaan isagana waan is raacnay waxaana wada tagnay Baar, cabitaan baan wada cabnay ka dib waxaa ka codsaday in uu iiga sheekeeyo dhacdadan waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay.
Sxb aniga waan ku garanayaa inaa tahay wariye mana doonayo in warkayga la faafiyo, wan kasoo dhexgalay oo aan u sheegay inaan magacyada aan sheegi doonin laakin sheekada ay tahay mid mar walba dhacda oo aan ahayn mid kaligii ku kooban.
Wiilkii qasadii buu ii bilaabay waxaana uu ii sheegay in maalin maalmaha ka mid ah la xiray waxyaalo aan micna lahayn ka dib ay gabar isku barteen xabsiga saldhiga dhexdiisa gabadhaasoo maxbuus ahayd, kadib buu yiri waxaan ku heshiinay inaan is guursano,
Waxaa garab igu siiyey buu yiri maxaabiistii isla meeshii baan ku mehersaday waxaan isla xernayn ilaa mudo ka dib aniga waxaa lay geeyey Maxkamada waxaana la isu’aalay su’aalooyin dhowr ah laakin aniga ma rabin in lay deeyo balse danbigii baan qirtay si laygu noqo xabsiga balse gudoomiyaha maxkamada ayaa sheegay inaan wax danbi ah lahayn baaritan dheer ka dibna la helay qofkii danbiga lahaa,
Gudoomiyihii baan u sheegay inuu xaq u qaadin kiiskeyga waa uu iga diiday oo waliba ila yaabay reerkayga oo dacwada dhagaysanayey ayaa ila yaabeen sida aan ugu xumahay in la isii daayo,
Isla meeshii baa laygu fasaxay anigoo aad u murugaysan baan kasoo baxay maxkamadii habeenkii oo dhan wan hurdi waayey waxaana la kulmay soo jeed iyo dhibaatooyin badan waxaana go’aan ku gaaray inaan xabsiga tago si mar kale aan ula kulmo gabadha aan jeclahay,
Subaxii ayaan saldhiga tagay waxaan la hadlay taliliyihii saldhiga waana uu ii diiday inaan la kulmo gabadha waxan iri ha lay xiro misana igama uusan aqbalin ugu danbayntii ayaan go’aansaday inaan danbi raadiyo laygu soo xero,
Waxaan isku dayey inaan askari amarkiisa diido si aan ula dagaalo ka dib askarigii baa ikaxeeyey oo saldhiga igeeyey taliyihii markuu I arkay buu iyiri haye maxaad rabtaa askarigii baa soo booday oo yiri ninkaani amar diido buu sameeyey waana uu ila dagaalay taliye waa in la canaantaa,

Taliyihii meeshii aan ka filaayey inuu igu xukumo 24saac oo xarig ah waxa uu iyiri iska bax danbi laguuma haaysto, aniga waxaan ku qayliyey aniga danbiile baan ahay taliye adiga shaqadaada ma gudanaysid see waaye waa igu qayliyey bax buu iyiri muran dheer ka dib dibada ayaa lay soo saaray xoog baa layga soo bixiyey adiga ayaana meeshii iska soo raacnay.
Wiilkii baan xoogaa la hadlay oo u sheegay inuu iska sugo iskana ilaaliyo dhibaatooyinka uu abuuranayo waxaan kaloo u sheegay in wiilkaasi inuusan danbi ka wayn kan uusan ku fakarin, sababtoo ah baan iri hadii la xero oo lagu xukumo xabsi dheer gabadhiina lasoo daayo inuusan kasoo bixi Karin xabsiga lagu xukumay.
Wiilkii baa iga gareeystay oo iga tagay si niyad ah waxaana u sheegay inuu si asluub ah ugu tago gabadha isla markaana uu mar walba u geeyo hadiyado si loogu fasaxo inuu xoogaa maalin walba la sheekeysto.
Sheekooyinka jacaylka ayaa ah waxyaalaha cajiibka ah oo dhaliya waxyaalo dadka ay layaabaan qisadaan mid la mid ah ayay ahayd iyadoo amaanka magaalada aad loo adkaynayo in laba wiil ay isa soo raacaan midkoodna uu jalbaab gashaday iyadoo looga shakiyey inay maleegayeen qaraxyo balse aan sidaasi noqonin.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment