Bulsha:- Rasuulka CSW, ayaa waxaa Riyo ugu yimid Labo Malag, (Haddaba ogoow Riyada Rasuulka CSW, waxey la mid tahay Waxyi), sidaas darteed sidan ayey Riyada u dhacday: Labada Malag iyo Rasuulka CSW, ayaa is wada raacay, waxeyna arkeen Afar Qiso oo kala ah:-
1- waxey arkeen Nin jiifa oo Madaxa Nin kale Dhagax kaga Garaacaaya, markuu ku Dhufto Madaxa wuu kala dhacaa, isla markii sidiisa ayuu ku soo noqonaa, Nabiga CSW ayaa ku yiri Malaa’igtii:- muxuu Ninkaan ku Muteystay Ciqaabtaan?, waxeyna ku yiraahdeen:- Ninkaan wuxuu ahaa Xaafid Qur’aan, kumana Camal fali jirin, sidaas darteeda ilaa Qiyaamaha sidaas ayaa loo Ciqaabaa.
2- Haddana waxey arkeen Nin jiifa oo Dul Fadhiya Nin kale, haddaba Ninka wuxuu wataa Mindi, wuxuuna Mindidii ku jeexay Ninkii jiifay Afkiisa ilaa uu Afkii kala gooyey, kolkaas ayuu Rasuulka CSW weydiiyey Malaa’igtii, waxeyna ku yiraahdeen waa kuwii Beenta sheegi jiray, waxeyna mudan doonaan Ciqaabtaas.
3- Misana waxey arkeen Dad badan oo Qaaqaawan oo hoostana Dab Holcaaya uga shidan oo la gubaayo, kolkaas ayuu Rasuulka weydiiyey Malaa’igtii oo ku yiri: Dadkaana maxey ahaayeen?, waxeyna ku yiraahdeen waa kuwii Zineysan jiray, sidaas ayaana loo Ciqaabayaa ilaa Maalinta Qiyaamo.
4- ka dib waxey arkeen Nin ku dhex jiro Webi Dhiig ah, waxaana Dul taagan Nin kale, markuu soo bax maagaba wuxuu ku celinaa Weliga, kolkaas ayuu Misana Rasuulka CSW, weydiiyey Malaa’igtii, waxeyna ku yiraahdeen:- waa Dadka Ribada Cuno, ilaa Qiyaamaha sidaas ayaa loo Ciqaabi doonaa.
Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW NOO DEMBI DHAAF).
W.Q:- Macoow Ustaad.
xigasho:- kobciye
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment