Qiso Jaceyl Oo Dhab Ah: Gabadhii Aan Jaclaa Qabiil Dartiis Ayay Facebook Block Iiga Saartay (Qeybtii 1aad)

Bulsha:- Waxaan ku soo biiray isticmaalka aalada internetka sanadka markii uu ahaa 2008, xiligaas dadka isticmaala ee Sooomaalida aad uma badneen sida uu sanadkaan hada sii dhamaanayo 2012 uu yahay, magaceyga facebook waa Daalac Daahir Shoot waxaan go’aan saday in aan ku sharfo qisadaan website yada kala ah www.hablaha.com iyo www.shumis.net, www.bulsha.com/qisada ayaa sidaan u dhacday.

Sanadkii markii uu ahaa 2009 ka waxaan is baranay gabar, isbarashada facebook xiligaas ma adkeen dadka sida ay hada beenta iyo magacyada beenta ah ay wataan ma aheen, xiligaas isbarashada waxay laheed farxad iyo soo dhaween, dadka beenta sheega aad uma badneen, qofka markii uu ku dhex arko qof Soomaali ah oo facebook isticmaalaya wuu ku farxi jiray iyada oo aan loo eegin qofkaas degaan ahaan iyo dad ahaan meesha uu ka soo jeedo, aniga iyo gabadhii isbarasho furan ayaan galnay oo ku dhisan walaalnimo saldhigna ay utahay Soomaali nimo, waxaan aheen dad is xiiseeya markasta, waqti badan isla qaata, gabadha waxay aheed gabar aad u furfuran ilaa hada ima soo marin gabadhaas gabar ka kaftan badan, aniga iyo iyada wax sawiro ah ma aanan kala qaadan is fahamkeenu wuxuu ahaa qoraal lagu saleeyay kalsooni . 



mudo markii aan dhanka qoraalka isku wadnay waxaan go’aan sanaay in aan sawiro isku dirno, aniga waan diiday in aan sawir diro waxaan ku iri MSN ama SKYPE aan kala qaadano aan is aragno taas ayaa nooga fiican intii aan sawir kala qaadan laheen, adigane waad heesataa Camera anigane sidoo kale, taasi gabadha umaysan cuntamin oo waa ay iga diiday in aan kaamirada isla aadno waxay ku adkeesatay sawiro in ay soo dirto, gabar aan qadariyo aye aheed kuma adkeen waan ka yeelay in ay soo dirto sawiro waxayna iigu soo dirtay cinwaankeyga hotmailka, anigane sidoo kale waxaan udiray sawiro aan arday Indonesian ah oo aan jaamacada isla dhigano lagalay ayaan udiray si aan utusiyo in aan ahay qof arday ah waxbarta, markii aan arkay sawiradeeda gabadha waxay aheed mid i cajab qalisay quruxda ay leedahay maantadaan aan qoroyo qisidaan 15 December 2012 waa mid wali iga sii dhex muuqata, xiliga sawirada ma uusan igalin dareen jaceyl balsa waxaan ku farxay qofka aan la hadlayo ama aan markasta la sheekeesto in ay tahay gabar qurux Allah ku maneestay.
Waxaan go’aan saday in aan xiriir la yeeshto iyada aan ka dhigto nolosha mustaqbal keyga, sanad kadib 2009-kii waxaan rabaa markii aan jaamacada dhameeyo in aan guursado laakiin magaranayo gabadha uu calafka iigu darsan yahay, waxaan jecleestay in uu xiriir ne dhex maro, arinkii ayaan ku iri kawaran hadii uu ina dhex maro xiriir u gogol xaaraya guur? Si farxad leh aye igu tiri anigaba waan ku rabaa waxaa tahay wiil mustabal ifaya xinbaarsan mardhow noqonaya jaamici, hab dhaqankaaga aad ayuu ii qanciyay runtii Daalac Daahir Shoot, waxay itiri hadii uu xiriirka dhab kaa yahay wuxuu noqonayaa mid xidido adag leh hadii uu been been kaa yahay waxaaad ogaataa maalmo kooban kabacdi in aan isku noqon doono laba cadow, waxaan ku iri arinkaan waa arin aan ka soo fikiray waxaa tahay qof ku hooboon aayaha danbe ee nolosheyda, hadalka aan kula hadlaya waa mid ka imaanaya laabta, sidii waxaan iskuugu af garanay xiriir in uu ina dhex maro, nolosheena ayaa noqotay mid ku dhisan rabitaan, maalmo kadib sida aan iskuugu direenay fariimaha waxaa igu xoogaystay jaceyl , waxaa noqday mid iyada uun ka fikira hadalkeeda daneenaya aragtideeda raadiya, markii uu jaceylkeena socday mudo 2 bil ah waxaan kala qaadanay MSN ka, waxaa noqonay kuwa maqal iyo muuqaal ku sheekeesta, markii aan iyada la hadlayo waxaan dareemi jiray in aan la sheekesanayo qof i ag fadhiya, waqtiga ma dareemi jirin

sida xooliga ah ee uu ku socdo, online ka markii aan ku arko waxaan dareemi jiray farxad aan qoraal lagu cabiri Karin, jaceylka kuma koobneen dhankeyga sidoo kale iyadane wuu galay jaceylka, waxay igu oran jirtay jaceylka aan kuu qabo qof uma aan qaadin waligeey, aduunka adiga ayaan kuu jeclahay, in aan ku waayo dhimasho ayaan ka xigaa markii ay ereydaas igu tiraahdo laabtayda way qaboobi jirtay, qofka aad jeceshahay hadii uu erey yar oo naxariis leh ku dhaho si toos ah waxay utaabanayaan laabtaada.

Waqtiga labada wadan ee aan ku kala noolnahay ayaa
aad ukala duwan, aniga (Daalac) waqtiga aan joogo waa GMT+7, iyadane wadanka ay joogto ayaa ah
GMT+1, waxaan ka horeeyaa 6 saacadood, waxaan rabaa in aan isku keeno 2 waqti oo kala ah in aan jaamacada dhigto waxa ay jaamacada ii soo dirto aan ka shaqeeyo sidoo kalane waxaan rabaa in aan waqti la qaato gabadha aan jeceylka u qabo, waqtiga waa igu cariiri jaamacada waa gaba gabo jaceyl halis ah lafaha iyo dhuuxa galay wuu I hayaa, ugu danbeen waxaan isku af garay markii ay aniga salaada subax ii tahay in aan soo galo qadka ilaa laga gaarayo 06:00 AM in aan wada hadalno, marmarka qaar waxaa iqabata subaxaan ma u goysaa jaamacada dhadhanka ay leedahay qofta darteed, nasiib wanaag waxaan ahaa qof fahamsan waajibaadka uu dalkaan ujoogo muhiimadane tahay waxbarasho laakiin jaceylka kula matashanayo xiliga uu ku gali doono.

Waxaa la gaaray xiligii qalin jabinta jaamacada
sida uu qorshaha ahaa waxay aheed in ay ka soo qeyb gasho xafalada qalin
jabintayda, sidaasna isku aragno, qofba qofka kale ka eega dabciga iyo dhaqanka iyo sida uu diinta ku yahay, markii ay u bixitaankeedii Indonesia maalmo ka harsan yihiin waxaa dhintay oo geeri naxtin leh ku timid aabaheed, sidaasna waxaa ku baaqday in ay soo gaarto halkaan, waan la wadaagay murugada waan utacsiyeeyay aniga oo aamisan aabaha dhintay in uu ahaa musharaxa sodogeyga, waxaan sidii ku galay xafladii qalin jabinta iyada oo aysan i wehlineen, waxaan u diray sawiradii qalin jabinta xafaladii iyo aniga oo la sawiran madax sare oo ka tirsan madaxada dalkaan maamusha, durbadii sawiradiii waxay soo galisay facebook iyada oo ku faaneesa dhaheeso ninkeyga mustaqbalka ayaa ii qalin jabiyay, gabadhaas xiliyada salaada (Indonesia Time) hadii ay iga wayso internet ka way isoo wici jirtay, jaceylka naga dhaxeeyo wuxuu noqday mid naga ilmeesiiya labadeena, aniga Daalac Daahir Shoot ahaan kama maarmin gabadhaas si kasta, waa qof ay nolosheyda ku qanacday dhankasta. Halka aad sheekadaan ka aqrisaneeso waa shabakada 
www.hablaha.com
 iyo 
www.shumis.net
  Waxaan ku balanay guur maadama aan soo dhameeyay. 

jaamacadii, waxaan qorsheesanay in aan shaacino mudada uu dhacaya guurkeena, halka aan kuwada kulmi doono iyo sida loo mideen doono nolosha, wax kasta oo ku saabsan nolosha waan isla meel dhignay, markii uu guurka soo dhawaaday ayee igu tiri Daalac dad intaas is yaqaano ayaa nahay waxaan rabaa in aan ku waydiiyo qabiilka aad tahay ee ii sheek qabiikaaga? Waxaan ku iri Soomaali ayaan ahay .

intaas kabadan maad naga deesid, waxay tiri in aan isbarano waa lama huraan su’aashaan way isugeesaa waa la i waydiinayaa qofka aan guursanayo qolada uu yahay? Waxaan ku iri ok waxaan ahay dadka la siyo waxaan ahay Madhibaan, gabadhii qaracan waxay la soo booday alla shalaayto badanaa ninka aan shukaansan jiray Madhibaan buu ahaa alla anaa iska dhintay iyo ereyo badan cuqdad galin kara qofka maqla, teleefoonkii ayee igu damisay, isla markii facebook block ayee iga saartay, asxaabteeda iyada dhankeeda aan kabartay waxaan ka waayay salaanta in ay iga qaadaan waji badal ayee la soo baxeen mudo kadib iyagiina waxay i dhaheen unfriend. Qisadaan waa qiso dhab ah wali ma dhamaan waxaa ka sii xiiso badan qeybaha haray



La Soco Qeybta 2aad maalinka Axada InshaAllah







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment