QISO CAJIIB AH : Wiil Hooyadii Shirqool U Dhigay oo ........

Bulsha:- Wiil Dhalinyaro ah ayaa Damcay inuu Hooyadii Buur Dheer Dusheed Dhigo si uu Kalkaa Waraabaha iyo Libaaxu ugu Cunaan, isna uu uga Reysto Hadalkeeda, ileen Waayeel ayey noqotay.

Dabeeto Gurigii ayuu ka soo Kaxeeyey Hooyadii, wuxuuna la soo Dhex maray Keyn ween, sidaasi darteed Hooyada waxaa galay Shaki aad u weyn, weyna Dareentay inuusan Xaalka Wiilkeeda Maanta Caadi aheyn.

Haddaba Muddadii ay Keynta ay ku soo jireen ayey Hooyadii waxey Jar-jareysay Caleemaha Geedaha iyo Dhirta, waxeyna ku Tiirineysay Dhulka, ilaa meeshii Buurta aheyd ee uu Geeyey Hooyadiisa.

Dabadeed Hooyadii ayuu keenay Buurtii, meel ayuuna Fariisiyey, wuxuuna ku yiri Hooyo i sug waan kuu soo laabanaa, ka dib markuu soo noqonaayey ee uu Keyntii Dhex maraayay ayuu iloobay Waddadii uu Guriga ugu Noqon lahaa.

Waxa uuna Garan waayey Halkii uu Hooyo kaga soo tegay, intaas ka dib wuu Qeyliyay isagoo leh Hooyo, Hooyo, Hooyo.... markaas ayey Hooyadii si Naxiis leh ku tiri:- Hooyo Maxaa ku Helay?, kolkaas ayuu ku yiri:- Hooyo Jidkii aan ku Imid aayana Garaan waayey, bal Fiiri Hooyo waxey ugu jawaabtay, waxey ku tiri:- Hooyo Dhirta aan Jar-jaray dib u Raac si ay Guriga kuu Geyso, adiga ayan kuu dhigay si ay Tilmaan kugu noqoto. 

Subxaanalaah Bal Eeg Hooyo Naxariisteeda.

Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW HOOYO JANNADA KA WARAABI Amiin Amiin!!)
By :Rahma Dagen Aduunti Alle







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment