Bulsha:- Waxaa jira shaqsiyaad aan Hasaawe dhex marin hadane nasiib u yeesha inay lamaane ku noqdaan Safarka Dheer ee Noloasha, iyo sidoo kale Lamaane jaceyl uu ka dhexeeyay oo mudo is soo shukaansanayay kuwaa oo ugu danbeyn Calafku kala kaxeeyay.
Raga hadii aad Gabar ama marwo tahay iyo waliba Dumarka hadii aad Tahay Wiil ama Oday ilaa guriga iyo Guriga Dhexdiisa intuba, waxayna Qormadan ku dhisantahay qaab cilmi baaris iyo Waayo aragnimo dad mudo usoo joogay laga soo dhiraandhiriyay.
Aan ku horeyno Bilawga hadalka, marka aad dooneyso inaad Gabar la hadasho aqoon iyo garashona aysan idinka dhaxeyn waxaa fikir kaaga baahan Hanashada iyo soo jiidashada dareenkeeda si aad ujeedkaaga ugu dhaadhacdo. hadaba raac talooyinkan soo socda:
Marka hore inta aadan Qofka u gudbin si dhaqsi leh maskaxdaada uga dhaadhici:-
Noqoto Qof Isku kalsoon.
Inaad isku kalsoonaato waxay sababeysaa in dadku kugu kalsoonaadaan, sidaa darteed marka hore naftaada ku kalsoonaaw wax kasta oo aad tahay, foolxumo, hadii Eebe iin kale kugu abuuray, hadii dhib ama dhaawac kusoo gaaray uu muuqaalkaaga badalay intuba.
Noqoto qof aan hadalka ka baqan.
Hadalku ma ahan wax dhibaato keeni kara hadii aanu aflagaado, Micno darro ama meelka dhag ku aheyn shaqsiyada qofka, sidaa darteed isku day inaad gabadha dareenkeeda marka hore kusoo jiidato hadal ama ficil keeni kara inay istaagto hadii ay soctay, fariisin kara hadii ay taagneyd hadii kale ugu yaraan sababi kara inay dhageysato waxa damacaagu yahay. mar marka qaar waxaa dhacda in gabadhu ay kaa aamusto ama ay si yasmo leh kuu eegto haka quusan madaama ujeed aad leedahay. markasta isku day inaadan caro iyo dareen badalan u muujin si aad dareenkeeda u badasho ama u hanato si farxad ku jirto oo ka badalan sidii ay ku bilaabatay.
Iska Dhaadhiciso inaad Adeegsato Hadalo Miisaaman.
Hadalku waxa uu leeyahay maqaam iyo micno gooni ah oo munaasabad ama ujeed ku yimaada, sidaa darteed haka weecan ujeedka aad leedahay iskuna day inaad miisaanto hadaladaada, ereyada aad adeegsaneysana yaysan noqon kuwo hagardaacin kara Damacaaga. Ogow hadalba hadalka uu ka macaanyahay wuxuu kuu dhaweynayaa bartilmaameedkaagi.
Intaa Kadib waxaa kuu fududaaneysa in ujeedkaaga aad abaarto oo aad la hadasho gabadha indhahaagu calmadeen. Hadaba Maxaa Xiga?
Dareenka Qofka waxaa lagu soo jiitaa Ereyo Dabacsan, Waji furan/ Dhoolacadeyn iyo inaad qadarin u muujiso.
Ereyada qofka aad u adeegsaneyso ee ugu horeeya waa waxa Dareenka Qofka soo jiidan kara, Farxad galin kara, kuu suura galin kara inaad ujeedkaaga u sheegto, Maxaa ka mid ah?
Wallow qofkastaa uu Eebe u dhaliyay qaab uu u hadlo ama u adeegsado Ereyada oo uu dadka kale kaga duwanyahay ama aan iraahdo hal abuur u gooni ah ayna kala heli ogyihiin Hadalada hadane Aragtideyda iyo kuwa dadka qaar waxaa inta badan loo adeegsadaa Sida soo Socta:-
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment