Oscar Pistorius oo Maanta Maxkamadda Horyimid Isagoo Lugo La'(VIDEO)

Bulsha:- Orodyahankan caanka ka ah dunida, siiba kuwooda aan lugaha lahayn ayaa maanta waxa uu soo hor istaagay maxkamdda dalka Koonfur-Africa isaga oo aan wadan Luguhii caaga ahaa ee lagu yaqiinay.

Orordyahankan ayaa waxaa loo haystaa dil toogasho ah oo uu u gaystay saaxiibadiis Reeva Steenkamp habeenkii uu soo galayay Valentine-ka ee sanadkii 2013-kii.
Oscar Pistorius ayaa ku andacooday inuu saaxiibadiis si ula kac ah uusan u dilin, ee uu mooday tuug guriga ugu soo galay, kadibna isku soo xiray musqusha, Laakiin Qoyska gabadha ayaa sheegay in Reeva ay habeenkaasi u sheegtay inay ka tagayso Oscar, isagana uu ka biyo diiday, markii ay ka carartay oo ay musqusha isku soo xirtayna uu albaabka oo xiran ka toogtay, ayna halkaasi ku naf baxday.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment