Muruga:- Xaaskeeyga Wali Iima Aysan Yeelan Uur Waayo, Waxaa Khafiif Ah Dheecaanka Shawadeeyda

Bulsha:-   Haddii ay sax tahay xaaladan ku heysato oo ah in shawadaada tahay mid khafiif ah, tani wax xiriir ah lama leh arrinta ah in ay xaaskaada uur kuu qaato ama aysan xaamilo kuu nooqoto, asal ahaan dhecaanka shahwada oo gala xubinta taranka xaaskaada iyo in aad sameeysaan xiriir galmo, xaalada nuucaani ah waxa ay xiriir la leedahay adinkoo aan gaarin dharagta rasmiga ah ee galmada.haba ka timaade dhica Ninka ama dhanka Xaaska.Uur in uu jiro waxaa lagu xadidaa bacriminta shahwada in ay ahaato  mid diyaar u ah uurka, haddii bariminta shawdaada ama tan xaaskaada ay la kulmaan ciyaar carqaladeeysan oo aan sidii larabin ugu dhicin hardanka sariirta, waxa ay sababi kartaa in uu soo daaho uurka.

Haddii aad dooneeyso inaad wax ka ogaato xaalada bacriminta shawadaada in ay caadi tahay iyo in kale, waxa loo baahan yahay baaris deg deg ah in aad ku dhaqaado, taas oo ay soo galeeyso falaqeyn Dheecaanka shahwada ah(sperm analysis), waxaadna raadisaa Doctor ku taqasusay xubinta taranka raganimo (specialist andrology).

Fiiro Gaar ah : hadaba haddii aad ka baqeyso su’aalaha in magacaaga lagu xuso ama loo isticmaalo qoraalka fadlan inoo soo raaci fariimaha aad noosoo direysaan si aan u siino magacyada Mr X (Lab)ama Miss Y(Dhadig) Mahadsanidiin.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment