Bulsha:- Hore ayaa loo yiri cunista Muuska badani waa halis, xitaa waxaa la sheegay in hadaad lix xabo oo moos ah mar wada cunto in aad u dhiman karto .Haddaba oraahyadani run ma noqon karaan ?
Moosku wuxuu ka mid yahay khudradaha adduunka ugu caansan, oo ay ka buuxaan faytamiino iyo macdanno. Haddaba sheekadan in mooska lagu dhiman karo waxaa aad u faafiyey ninka majaajilste ah, Karl Pilkington.
Haddaba, sida ay sheegeen Khubarada xagga cuntadda, waxaa mooska ku badan walaxda macdanta Potassium, oo jirka bini’aadamka u baahan yahay sida ay sheegtay Catherine Collins, oo ka tirsan Isbitaalka St George ee London.
Macdanta Potassuim ee jirka ku jirta, waxay wax badan ka tartaa wadashaqaynta qaybaha kala duwan ee jirka taas oo mooska laga helo. Haddaba, mooska waxa ku jira walxo shucaaca nukleeriga ah leh oo aan aad u badanayn, dhibaatana aan u lahayn cafimaadka iyo nolosha qofka midna.
Mana jirto dhibaato gaar ah oo mooska uu leeyahay. Lakiin dadka kalyo xanuunka lihi waa in ay ka fogadaan khudradaha Potassium ay ku badan tahay sida mooska inay aad u cunaan .
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment