Bulsha:- Fadlan hadii aad ka
yartahay 15 sano,
waxaa haboon
inaanad akhrisan.
Waxaad moodaa in
bulshadeena ay ku
yartahay wax waydiintu, taasoo u sabab ah aqoon la,aan baahsan iyo
dadkeena oo aan inta badan wax wayn u arag waxyaabaha qaar sida
dhibaatadan aynu manta ka hadli doono ee loo yaqaan (premature
ejaculation) ama biyo baxa dagdaga ah wakhtiga galmada. Akhriste
waxa hubaal ah in wixii xun uun laga xishoodo maadama ay
wanagsantahay in aad ogaato waxkasta oo ku dhaca bani aadamka sida
xanunada kala duwan oo badankooda laga dawoobo. Maqaalkan manta
waxaynu ku eegayna xanuunkan loo yaqaan (PE) oo boqolkiiba 65-70%
ku dhaca raga aduunka ku nool, iyadoo celcelis ahaan 3dii ninba uu hal
nin ka cabanayo dhibatadan la soo darista wakhtiga uu qofku guursado.
Waa maxay (premature ejaculation) ama biyo baxa dagdaga ahi?
Waxa afka qalaad lagu yidhaa (premature ejaculation) ama biyo baxa
dagdaga ah xiliga galmada, xanuunkan oo keena in qofku uu awood u
yeelan waayo inuu xajiyo biyaha manida ah xiliga galmada iyadoo
dhakhaatirka badankoodu ay isku raaceen in raga qaar ay ku biyo baxan
wax ka yar 30sec ilaa 2 minute inta u dhaxaysa, mararka qaarna uu
qofku biyo baxo isagoon wali hawshiba bilaabin, xanuunkan ayaa noqday
mid fara baas ku haya dhalinyarta qarnigan nool, hadii aynu si kale u
dhigno, iyadoon la odhan Karin waa xanuun wayn hadana way
adagtahay in ninka dhalinyarta ahi uu tago dhakhtar oo uu soo bandhigo
inuu ka cabanayo xanuunkan, akhriste, sida aynu wada ogsoonahayba
caafimaadku waa shay muhiim u ah saldhiga nolosha.
Waxa suurto gal ah adigoon is ogayn inaad tahay qof ay dhibaatadani
haysato, inaad guursato maalin maalmaha ka mida, mudo yar kadibna
aad ogaato inaad tahay qof aan (control) lahayn xiliga galmada lagu
gudo jiro,taasina ay ku sababi karto lamaanaha waji gabax iyo raaxo
la,aan.(dissatisfaction of marriage). Gabadh ka mida gabdhaha caalamka
ku nool ayaa jariirad online ah oo la yidhaa (zawaj.com) kusoo qortay
cabasho ay kaga cabanayso ninkeeda iyadoo cinwaan uga soo
dhigtay(my husband does not satisfy me in bed) oo macnehedu yahay
ninkaygu ima qanciyo, akhriste dumar badan oo caalamka ku nool ayaa
ragooda ay dhibatadani la soo daristay iyadoo ay haboon tahay in
haweenaydu ay ninkeda ku baraarujiso inuu tago dhakhtar nooca
(psychological doctor) ama (therapy sexual healing expert)
Hadaba biya baxani waxa uu dhaca wakhtiga uu ninku ama gabadhu ay
ku gudo jirto galmada iyadoo raga qaar ay suurto gal tahayba in wax ka
yar hal daqiiqo uu biyo baxo. Warbixin uu soo saaray journal ka soo baxa
dalka maraykanka oo loo yaqaan (American medical association journal)
wuxuu tilmaamay in rag iyo dumarba kuwa ay da,doodu u dhaxayso 18-
59 ay boqolkiiba 14% aanay galmada ku raaxaysan sabab la xidhiidha
biya baxa lamanohooda awgeed halka boqolkiiba 26% aanay rabin galmo
haba yaraate. Akhriste waxaad maanka ku haysaa in ay aanay xanuun
ahayn in ninku biyo bax badani ku yimaad wakhtiga uu ku cusubyahay
guurka taasoo ay ugu wacantahay raynranta uu galmada(sexual
excitement) u hayo balse mudo yar ka dib aanad biyo bixi doonin adigoo
la qabsan doona taasina waa caadi ah (normal situation).
Maxaa keena (premature ejaculationka)?
Waxa xaqiiqo ah in waxkasta oo qofka ku dhacaa ay leeyihiin sabab,
hadaba dhibatadan oo noqotay mid ku baahaysa dhalinyarta da, yarta
ah ayaa waxaynu soo qadan doona dhowr qodob oo ah waxyaabaha
keena inuu qofku hore u biyo baxo.
1- Dhibaato nafsiyan ah(psychological factors)(personal problems) qofka
oo shaqo badan haya maalintii oo dhan kadibna marka uu guriga usoo
hoydo aan ka helin haweenaydiisa soo dhawayn aad u saraysa, in qofku
uu kalsooni daro ka qaado haweenaydiisa ama gabadhu sayigeeda
aanay aad ugu kalsoonayn iyadoon dhiiri galin badan siinin(sexual
feeling), qofka oo wakhtiga uu galmada bilaabayo dareema iskubuuq
badan (excessive nervousness owing to sex). Soojeedka habeenkii oo
isaguna ka mida waxyabaha keena, iyadoo lo bahanyahay qofku inuu
yareeyo saamalaylka ama soo jeedka faraha badan.
2- Qofka oo ay la soo darsaan dhibaatoyin xaga jidhkisa ka imid kuwaas
oo ay ka mid noqonayaan, qanjidh xanuunka (thyroid gland) xiniinta oo
ku xanuunta (prostate infective diseases) iyo isbadalka ku imaada
maskaxda oo qayb wayn ka ah biya baxa qofka. Tusale ahaan, adigoo ka
fikiraya waxyaabo kale oo aad samayso galmo waxa hubaal ah in ay
iman karto dhibatadani
3- Cabida sigaarku waxay qayb laxaadle ka qadata dhibatadan in qofku
uu xajin waayo biyaha wakhtiga galmada, sababtoo ah unugyada
dhiiga
qaada waxay noqdaan kuwo aad u yaryar(our cells become smaller due
to smoking) markuu qofku sigaarka cabo, taasoo hadhaw keenta in
dhiiga qofku uu xoog u shaqayn waayo(poor blood circulation).
4- Cunista qaadka, waxa laga yaaba dad badan inay is waydiiyaan waa
maxay sababta cunista qaadku ay biyo baxa u keento, akhriste qaadka
oo ay ku jiraan maadooyin badan oo raacsan qaybta mukhadaradka(drug
additctive) qofku marka uu qaadka cuno waxa laga yaaba in hamiga uu u
hayo inuu la galmoodo xaaskisu uu yahay mid aad u sareya (high
capulation drive) lakin inka yar 3 daqiiqo ama 2 daqiiqo ayuu qofku ku
biyo baxaa(early discharge) isagoo markiiba noqda qof hurdo hayso,
taasna waxa ugu wacan cunista qaadka oo ah daroogo la dagaalamaysa
jidhkena(physical and mentally problem) qofkuna aanu awoodin inuu
marlabaad xaaskisa u tago.
5- Qodobkan 5aad oo ah ka ugu muhiimsan ee dhakhaatiirka caalamku
isku raaceen inuu keeno biyo baxa dagdaga ah80% ayaa waxa loo
yaqaan afka qalaad(masturbation) ama qofka oo isagu gacantiisa iskaga
keena biyaha isagoo kali ah. Waxa la ogaaday in dhalinyarta rag iyo
dumarba ay ugu wacantahay in boqolkiba konton ay ku keento
dhibatadaasi biya baxa dagdaga ah marka uu qofku guursado.
6- Daawashada filimada aan haboonayn ayaa qayb laxaadle ka qaata
biya baxa dagdaga ah taasoo ay ugu wacantahay inay maskaxda qofka
badalaan isagoo qofku aan ogayn ayaa waxa ku iman karta in hadhaw
markuu xaas yeesho uu hayn kari waayo biyahii(dawashada filimadaas
oo la isku raacay inay hoos u dhigaan raganimada ninka).
Maxaa dhibaato ka iman karta?
Akhriste, waxaan filaya inaad fikrad fiican ka haysato mawduucan,
waxaynu isku dayaynaa ama ay su,aasha ugu muhiimsani tahay, biyo
baxa dagdagi ahi rag iyo dumarba dhibaato maku keeni karaa habsami
socodka qoyska?
Su,aashan oo in badan muran ka taagnaa ayaa dhawaanahan danbe la
isku raacsanyahay in ay jawaabtu tahay HAA!
Way adagtahay in ninku uu ka hadlo dhibaatadan iyadoo raga
badankoodu ay qarsadaan taasoo ay u arkaan inay tahay mid aan
haboonayn in laga wada hadlo, akhriste dad badan ayaa aaminsan inay
tahay ceeb in qof dhakhtar ah ama aqoon u leh dhibaatadan la waydiiyo
sidii looga bixi lahaa.
Waxa marag ma doonto ah, in wakhtiga galmada ay niyad jab wayn ku
tahay lamaanaha in midkood uu hore u biyo baxo isagoon qofkii kale
gaadhin ahmiyadii (climax) taasoo raga ay dhibaatadani haysato ay
anfariir ka qaadan, inay la galmoodan xaasaskooda dhibatadan awgeed,
iyagoo isku arka inaanay ahayn nin buuxa.
Run ahaantii taasi waxa aad ogata in xanuunkan premature ejaculation
uu yahay ka ugu sahlan ee laga dawoobi karo, qofkana nolosha
lamaanihiisu ay ku hagaagi karto. Isku soo wada duuboo, dhibaaatada
ugu wayn ee ka iman kartaa waxa weeye inaad qancin kari waydo
xaaskaga taaso mararka qaar keenta xidhiidh xumo qoys.
Inagoo soo gaadhnay nuxurkii maqaalkeenan, warka fiicani waxa uu
yahay in xanuunkan looga dawoobi karo si aad u dhibyar.
Akhriste, hadii aad hore ugu tagtay dhakhtar oo uu kusoo qoray kiniinada
awooda siiya ninka xiliga galmada ee ay ka midka yihiin, Viagra, creams,
spray etc, waxaad ogaataa in xaaladu ay kasii darayso, waxa la isku
raacay in dhamaanba kiniinada noocaas ah ee tamarta siiya raga ay
yihiin qaar aan haba yaraatee waxba ka tarin xanuunankan biya baxa
dagdaga ah.
Dhalinyaro aad u tiro
badan xanuunkan waxa
ku keena iyagoo
badankoodu daawada
filimada aan fiicnayn ama
loo yaqaan(blue films)
waxay culimadu isku
raaceen inay door wayn
ka tahay biya baxa
dagdaga ah, akhriste
hadii aad jeceshahay
inaad xaaskaaga qanciso
waxa kale oo haboon
inaad joojiso waxyaabaha
aan hore u soo sheegnay oo aad maskaxdada u sheegto xaqiiqda, waxa
kale oo aan hadal ka taagnayn in qofkoo kaligii biyaha iska keenaa uu
dhaxli karo biya bax kadib markuu guursado ama ka horba.
Hadaba waa noocee habka ugu fiican ee aad kaga dawoobi karta?
Boqolkiiba 80% ilaa 90% ragu way ka dawoobaan xanuunkan, hadii ay
helaan daryeelka looga baahanyahay, (better control theraphy)
1- Waxaad ugu horayn joojisaa cabida sigaarka, cunista qaadka iyo
drugs kale hadii aad istcmasho gabi ahaantoodba, inkastoo ay
adagtahay in qofku u balwad uu leeyahay hore u joojiyo waxaad isku
daydaa inaad badsato cabista biyaha (mineral water) aroortii hal litir oo
biyo ah intaanad quraacan, mudo 3 bilood ah.
2- Hadii ay da,daadu u dhaxayso 18- 35 waxaad ogaata biya baxa hore
in uu yahay wax caadi ah oo aanay dhibaato badan lahayn, waxaad isku
daydaa inaad maskaxdaada ka saarto inaad biyo baxayso wakhtiga aad
hawsha ku jirto, adigoo fikirkaga gaynaya meel kale si ay kaaga raagaan.
Dhalinyta u dhaxaysa da,daas waxa sabab u ah in ay hore u biyo baxaan
guurka oo ay ku cusubyiiin iyo farxad galmo oo qofkii awood u yeelan
waayo inuu control u sameyo biya baxa(sexual excitement) taasina wax
dhibaato ah kuma laha qofka haba yaraatee, waxaad isku daydaa uun
inaad hawsha mudo yar kadib bilowdo(second go)
3- Calooshaada oo buuxda ama aad cunto cuntay inta aanad galmada
samayn kahor, akhriste waxa dhakhaatirku isku raaceen inay qayb wayn
ka tahay biya baxa ragu marka ay calooshu buuxdo(sex on full-stomach
results premature ejaculation) hadaba waxa haboon inaad 3 sacadood
ka hor wakhtiga aad galmoonayso wax cuntay.
4- Wakhtiga aad galmada ku gudo jirto, waxaad isku daydaa inaad
jidhkaaga oo dhan ka dhigto mid dagan adigoo adeegsanaya inaad
marna neefta kor u qadato marna soo dayso ( breathe in-breathe out )
5- Isku day inay xaaskagu ku tidhaahdo erayo ay ka mid yihiiin ‘jooji’ Stop
it, ‘ Xaji’ (hold it) iyo qaarkale oo dhiiri galin ah, tani waxay qayb wayn ka
tahay barashada galmada dheer dhinaca maskaxda iyo laqabsigaaga, u
sheeg xaaskaga marka aad soo dhawdahay si ay kugu dhiri galiso
inaanad biyo bixin.
6- Raga intooda badan waxa suuro gal ah inay ku fiicanyihiin marka
labaad, (second round) fadlan hadii aad tahay qof ay biyuhu hore uga
imanayan, isku day inaad mar labad xaaskaga u tagto adigoo inta
wakhtiga u dhaxaysana xaaskaga habab kale ku mawelinaya, marka aad
kacdana hawshii dhamays ka dhigaya, waa siraha ugu muhiimsan, fadlan
tijaabi.
7- Fadlan jooji dawashada filimada xunxun, sawirada xunxun, iyo eegista
dumarka aan asturnayn, waxay qayb wayn ka yihiin hami yaraanta, waxa
kale oo haboon in qofku uu gabi ahaanba jojiyo iska keenida biyaha uu
isagu iska kenayo. Qofka waxkale oo oo haboon inuu yareeyo galmada
faraha badanle mudada hore ee uu rabo inuu xanuunkan ka bogsado,
waxa ay culimo badani isku raacsanyihiin in galmada ugu fiican uu qofku
samayn karo halkii week maalin, tani waxay soo celin kartaa tayada
biyahaga iyadoo yarayn karta biya baxa badan ee had iyo jeer kugu iman
kara.
8- Hadii ay dhibaatadu intaa ku istaagi waydo waxaan kugula talinaya
inaad u tagto dhakhtar adigoon ka xishoonayn, fadlan ka digtoonaw
dhakhatirta bixiya kaniinada biyaha rajiya ee ay ka midka yihin Viagra iyo
spray’s ka la isku buufiyo kuwaas oo dhamantod xaalada sii xumeeya,
waxad raadisa dhakhaatirka lo yaqan (theraphy doctors) iyagoo ku siin
doona talooyinka ugu haboon.
Cuntooyinka aad cunayso!
Akhriste, cuntooyinkan waxaad cuntaa maalinkasta mudo 3 bilood ah
insha allah waxaad la kulmi doontaa is badal wayn.
Cuntooyinka aad u baahantahay:-
1. Qamadida(habeenkii hadaad heli karto casho ahaan)
2. Xasiida macaan(sweet corns)
3. Baamiyaha(isaga oo qadada lagu karinayo)
4. Beans ka cad
5. bariiska
6. Sesame seeds (Tal)
7. Basasha cad (xabad maalintii way kugu filantahay)
8. Toonta oo aad cunto(very recommended)
9. Karooga, hadii aad ridqi karto isagoo bila sonkor ah
10. Coconut hadii aad helayso waa muhiim3/16/2014 Waxyaabaha keena biyobaxadeg degaahiyodawadiisa?
11. Cinabka
12. Tufaaxa
13. Muuska
14. Maangada
15. Kaluunka iyo wixii sea food ah oo dhan(waa muhiim)
16. Hilibka (red meat)
17. Caanaha(nooca aan labeentu ku badnayn) law fat milk
18. Ciirta, ama yogurt, aroortii ayaad ku quraacanaysa
19. Ugu danbayn waxaad cabaysa maalintii biyo
badan si ay
shahwadaadu u noqoto mid tayo badan (quality semen sperm)
Cuntooyinka aad ka fogaanayso!
1- Basbaaska cas
2- Cuntooyinka dhanaanku ku badanyahay(all sour foods)
3- Tea, Coffee, Caffeine
4- Khalka lagu daro saladka (vinegar)
Guntii iyo gabagabadii mawduucan maanta, waxaan ka cudurdaaranaya
inaanan maqaal iyo laba aanan kusoo koobi karin balse ay tani hordhac
ku filantahay. akhriste wixii su’aal ama talo ah igu soo waydii cinwaanka
hoos ku qoran.
Hibayn: Waxaan u hibeyey qoraalkan dhamaan umada afka somaliga ku
hadasha intii uu anfici karo, dhalinyar iyo waayeelba, waxa hubaal
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment