Bulsha:- Isu dhawaanshaha ka dhaxeeya haweenka iyo koobka dhalada ka sameysan ayaa ah tubta kaliya ee lagu sooo koobi karo sida loola dhaqo haweeneyda .
Koobkan xoogan waxa uu awooda in uu daruufo badan u xamillo balse xaalado gaar ah waxa uu u nugul yahay in sahal uu ku jabo .
Haweeneyduna waxa aad arkeeysa iyada oo adag dhib badan u dulqaadata balse xaalado xaaladaha ka mid ah waxaa ku dhaca arin adag oo keenta in ay kala jabto.
Sidaa darteed waxaa muuqda in ay jirto isu dhawaansho u dhaxeysa haweenka iyo koobka dhalada .
Koobkan dhalada hadad ku shubato Malab waxad cabeysa malabkii ,haddii cabitaan qaraar ah oo midabkiisa badalmay ku shubto isla cabitaankaasi ayaad ka haleysaa.
Haddii koobkasi ku shubato cabitaan kulul ama qaboow waxa aad ka heleysaa waxii aad ku shubtay .
Hadaba Haweeneydu kama foga koobkasi dhalada ah haddii si macaan ula dhaqanto wanaag ayaad ka heleysa haddii si xun ula dhaqantana marnaba ha sugin in macaan iyo wanaag hesho.
Haweeneyda waa koob dhallo oo nool waxa aad siiso sidii aad u siisay ayay kugu soo celineysaa.
Ogaaw ninyahoow hadii haweeneyda uu dilaac galo sida koobka dhallada marka uu dilaac galo in ay adag tahay in dib loo dayactiro .
Ogaaw haweeneyda mar waliba w jilicsan degan laakiin haddii ay carooto waxa ay isu rogtaa folkaano .
Haddii aad rabto in noloshada farxad ku jirto farxad gili qofka aad nolol wadaaga la tahay
Ogaaw nin yahoow waa suura gal in haweeneydu awood u yeelato in tobankeeda farood shumac kugu shiddo waase hal xaalad marka ay timaado .
Waana haddii ay dareento in aad istaahisho in faraheeda adiga dartaa kuugu gubto.
Ninyahoow xaaskaada farxad gili ,ceeb ma ah in aad xaaskaada u jilicsanaanto.
Ragg badan ayaa aaminsan in haweeneyda oo loo jilcanaado ay tahay raganimada oo hoos u dhacday taasina waa been la soo dhoo-dhoobay ee xaaskada qanci .
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment