Bulsha:- SIDEE KU KASBAN LAHEYD JACEYLKA XAASKAAGA?.
Nin walboo xaas leh caruur ha ulahaato ama yeeysan u lahaan wuxuu aad u jeceyl yahay inuu quluubta xaaskiisa kasbado illaa in yar oo rag ah oo aan nolosha macaanteeda ku baraarugsaneyn maahee.
Xaasku waa udub dhaxaadka qoyska hadii aad qalbigeeda ku kasbato kalgaceyl iyo kooloolin waxey soo saartaa caruur aay ku barbaarisay kalgaceyl, balse hadii aad ku beerto naceyb iyo xumaan waxey wakhti u waaysaa caruurtii aay kalgaceylka ku koolkoolin laheyd waxeyna caruurtaadi ku koraan fikir iyo naceyb
Hadaba sidee xaaskaaga ku kasban kartaaa
Ha Eedaynin Xaaskaaga, Lakiin wax u Sheeg oo Waani u Cafi Khaladaad Badan oo ay kaa Gashay, Dibna Ha u Xasuusin Khalad Hore, Hana uga Jawaabin Su'aalaha aan Jawaabtoodu Faa'iidada lahayn ama ay ka Dhalan karto Cawaaqib Xun, mar kastana la tasho Xaaskaaga,
Dhagaysana Ra'yigeeda iyo Fikradeeda, una Sheeg La'aanteed inaadan waxba Qaban karin kaligaa.
Jecloow Qofka ay Jaceshahay Xaaskaagu, Tixgalina Ehelkeeda, Qaraabadeeda iyo Saaxiibadeeda
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment