Bulsha:- Dhacdadan waa qiso gaaban oo cajiib ah wiil soomaaliyeed aya anasoo gaarsiiyay kaasoo aan ugu mahad celineyno sida uu nuxurka sheekada qoraal gaaban ugu soo koobay..
Xuural Cayn inaan ku tilmaamo ma’ahane ma jirto quruxdeeda wax kale oo aan ku qiyaasi karo, Facebook ayaanu iska baranay mudo badan ayaana ku wada xiriiraynay, ilaa 3 Sawir ayay isoo dirtey – quruxdeeda ayaana igu beertay Jacaylka aan u qaaday !!!
Mudo 3 bilood ah markaan si joogto ah maalin walba ugu wada xiriiraynay FB ayaa maalinti danbe waxaan boosteejo basaska laga raaco ku arkay Xuural cayntii FB aan mudada kala hadlayay ee iigu sheekayn jirtay Dubai ayan ku noolahay !! –
Yaab iyo amakaag aya igu dhacay markaan damcay inaan la hadlo balse Gabar la socotey ay igu tiri “WALAAL GABADHAN WAX MA MAQASHO, WAY DHAGO LA’DAHAY” sidee macquul u tahay !! –
Waxaan gabadhi u sheegay inay mudo badan qoftan FB igala hadlaysay balse markii Xuural cayntii naloo kala turjumay waxaa ii cadaatay inaysan miskiintan isticmaalin FB ee gabar Guriga la joogta ay rag badan ku shukaansato wejiga Xuural cayntaan aan dhagaha wax ka maqlin !!!
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment