Inta Ay Nooshahay Magacaaga Ayey Xuseysaa Hadii Aad Usameyso Baashaalka Noocan Oo Kale.

Bulsha:- Marka aad dareento in aad u baahan tahay inaad kulan ciyaareed la qaadato lamaantaada nin yahow hore ha ugu deg degin in aad ka dalbato lamaantaada bilaabida ciyaarta sariirta waayo waxaa suuragal ah in xiligaasi aysan lamaantaadu diyaar u ahayn nafsiyan.

Hadaba doorkaagii ayaa la joogaa nin yahow waxaana lagaa rabaa in aad iska dhigto nin xariif ah waxaana samaysaa talabaadan waana hubaal baashaalka idin dhex mari doona adiga iyo gacalisadaada in aad marar badan aad macaasan doontaan.

Umuuji gacalisadaada in aad doonayso in aad soo qubaysato iyadana aad ka doonayso in ay saabuunta kuugu daliigto, markaa kadib u sii jiid dhanka barkada qubayska halkaasna ka bilow musasalka yar ee romantic-ka kaas oo ka bilaabmaya kaftan, qosol iyo in biyaha la isku firdhiyo amaba laysku saydh saydho ilaa ay dharka iska bixiso ayna kula qabaysato lamaantaadu, waxaana halkaasi kasii bilaabanaya isugu daliigida sabuunta.

Waxaa jira dad badan oo aan ka fakarin qubayska ka hor galmada taana waa khalad, kaliya waxa ay u haystaan in la isaga baahan yahay uun ciyaarta sariirta.
Kadib qubays uun ku dheehnaa kaftan iyo qosol idin xasuusiyey maalmihiinii koowaad ee guurkiina isku day markan in aad kula dhex ciyaarto gudaha biyaha adiga oo ku ciyaaraya xaaskaaga timaheeda, xabadkeeda iyo dhabarkeeda baashaalkaasna ilaa aad ka aragto in shumicii indhaheedu uu sii laciifayo haka joojin baashlaakaas ilaa ay ka gaadho in niyadeeda ka tidhaahdo alla mar lee muu ka codsado in uu weerarka soo qaado.

Marka aad jidhka iska qalijisaan u muuji dareen kalgacal oo xabad xabad u jiifso una sheeg in aad u baahan tahay xoogaa yar oo riix riixitaan ah hana iloowin in aad adna u kareemayso iyada.

Intaas kadib isku day in aad kasoo xabad galiso dhanka dhabarka waayo haweenku aad ayey u jecel yihiin in laga soo xabad galiyo gadaal amaba dhabarka, markaas hadalo yar yar oo xam xam ah ugu sheeg dhagta ilaa ay la xanta xantooto isla markaasna waxaad fursad u helaysaa in aad badhideeda ku ciyaarto amaba salaaxdo.

Nin yahow ha u qaadan in aad intaas ku kicisay dareenka gacalisadaada marka halkaas aad marayso iyada weydii qaabka ay u rabto in aad u baashaaliso oo u ogolow in ay iyadu doorato habka ay u rabto baashaalkaas ilaa ay gaadho heer ay la dhareeriso kacsiga.

Haweenka qaarkood waxa ay aad u jecel yihiin in laga xanta xanteeyo dhanka xubintooda taranka ee haka laba labayn in aad ka dhunkato kuna ciyaartid xubintaasi, lagama yaabo in ay ku ku ilowdo illaa geerideeda waa ay ku xasuusnaanaysaa.

Nin yahow aan xariifka ahayn marka ay dhamaato ciyaarta sariirtu hore jiifka ha ugu cararin ee u mahad celi lamaantaada oo xoogaa sii baashaali markaas ayeyba haweenku raaxo ka macaan tii hore ay helaan hana u qaadan in ay lamid tahay xaaskaagu weel dharagta la isaga bixiyo.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment