Bulsha:- Waxaa hubaal aan la inkiri karin ah in nimanku guud ahaan ay wada rabaan gabadh midab furan, taasina waa mida raadka wayn ku reebtay nafsiyadii gabadha soomaaliyeed. Dumarka qaar waxay gaadheen inay wajigooda ku maydhaan nooc kasta oo kiimiko ah oo u daran jidhkeeda iyo nafteedaba. Waxa ugu wayn ee ku kalifayaana waa qaabka ay u eegayaan gabdha midabka furan bulshadu guud ahaan iyo khaasatan in kamida nimanku. Ictiraafka (recognition) ay ka hesho bulshadu waxay ku reebtay raad wayn nafsiyadeedii sidaa darteed waxay isku mashquulisay sidii ay u heli lahayd quruxdaa la sheegayo.
Doqon iyo habeen ayaa madow, waa hadal hays noqday midka ugu wayn ee ay xujada ka dhigtaan sidii ay wajigooda ugu eegi lahaayeen wax kasta oo ay ku gaadhayso quruxdaa la sheego. Gabadhu inay wajigeeda nadiifiso oo ay ka ilaaliso finaanka iwm, ceeb maaha xad gudubna maaha.
Ugu danbayn bulsho waynta soomaaliyeedow idinka ku kalifaya gabdhu inay samayso sidaa oo ayna wajigeeda uga tudhin sunta la isku cadeeyo, maalinta aad badashaan qaabka aad u eegaysaan gabadha midabka cad iyo darajada aan jirin ee aad gaadhsiinaysaan tii midab furanba, maalintas suga inay iyaduna fikirkeeda badasho. Hadii kale tartanka waji cadaynta dumarka soomaaliyeed meesha uu ina gaadhsiiyo aynu aragno.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment