Bulsha:- Waxeey aheyd hooyo qalinka ugu dhacay, ineey dhasho, hal wiil oo madi ah cimrigeedii.
Wiilka aad iyo aad bay u jeclayd, Talaabo kasto oo uu qaadayana waa ka war hayn jirtay, Maalintii danbe buu wiilkii helay scholarship Deeq wax barasheed oo dibada ah, Hooyadiina aad beey ugu faraxday ilayn waa horumar iyo rajo midabkeedu haruud yahay oo u soo hoyatay qoyskee.
Wiilkii waxa uu isku diyaariyay safar, Dhamaan documantigiisiina wuu diyaarsaday, deetana Waxuuna soo goostay ticketkii diyaarada uu raaci lahaa, Hooyada oo ka war haaysay xilliga ama saacada uu wiilkeeda diyaarada ku qoranyahay, ayaa Telifishinka shidatay, si eey uga sii hubiso saadaasha hawada, Nasiib xumo, Saadaasha Hawada waxeey sheegtay in duufaano iyo dabeeylo ku soo beegan yihiin wadanka uu wiilka u dhoofayo, wiliba xilliga uu ku aadanyahay inuu ka dago garoonkaas.
Hooyadii ayaa walaac lagu soo tuuray, Haddii eey wiilka u sheegto inuu safarkiisa baajiyo, Weey ogtahay inuusan ka yeelaynin, sidaas daraadeed ayeey ku fikirtay xeelad eey uga reebto, duulimaadkaas si uu u raaco tan danbe,
Waxeey siisay Kaniini hurdo, oo eey ugu qastay cabitaaan eey u diyaarisay, Wiilkii waxuu galay hurdo dheer hooyadiina weey faraxday, Markeey hubisay in la dhaafay xilligii, diyaaradii uu ku qornaana eey ambabaxday ayeey is tiri ka soo kici, si uu duulimaadka danbe u raaco.
Markeey dultagtay oo eey toosi maagtay, Wiilkii maba dhaqdhaqaaqayo, Weey naxday waxeey u yeertay dhaqtar, dhaqtarkii ayaa u sheegay inuu wiilka mayd yahay oo eey nafta ka baxday saacad iyo badh ka hor, waa xilligii uu ku aadanaa garoonkaas kale!

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment