Bulsha:- Haween badan ayaa waxaa ay ka cawdaan marka ay guursadaan ka dib in ninkoodu uu naag kale ka raadsaday ama la guursaday,iyaga oo ku bixiya waqti badan maseer iyo waxyaabo kale,hadaba waxaan kuu haayaa sababta keentay in ninkaadu uu naag kale kula guursado ee haddii aad leedahay dabeecadahan iska jar lagama yaabo in ninkaadu uu naag kale haweesto,dabeecadaha waa ay badanyihiin balse waxaan ku soo koobayaa 12 dabeecadood oo baaritaano badan oo la sameeyay lagu ogaaday in nimanka oo dhan ay si wada jir ah ay u necebyihiin dabeecadahan soo socda:
1- Tan ninka iska dhigta:
dabeecadan waa mid aad u xun haweenka qabana waxaa lagu arkaa badanaa iyaga oo la tirsanaya ninkooda dhan walba,oo ay ilowday haweeneyda xaqqa uu ilaahey saaray ninkan iyo darajada uu dheeryahay,waxaa la arkaa haween badan oo raba taladooda in aysan kaga amar qaadanin ninkooda oo iskala weyn,talada wanaagsan ee ninka u soo jeediyana aanan qaadanin,sidoo kale waxaa jira kuwo iyagu hawshii laga rabay oo guriga iyo caruurta la xiriirta raba mar walba in ninku uu la qaybsado,iyada oo aysan ahay dhanka caawinta,oo ay ku dhibayaan ragooda,hadaba waxaad ogaataa haddii aad leedahay dabeecadan oo aad mar walba ku xisaabtantid in ninkaada aad isku mid tihiin oo aad isku meel dhigtid adiga iyo ninkaada gaar ahaan hawlaha adiga kuu gaarka ah in ninkaadu uu kaa daneysnayo.
2- Tan hadalka badan:
dabeecadan waa naagta aan hadalka ka tagin oo mar waliba hadasha dooda,qaylisa,carabkeedu dheer yahay marka ay guriga joogto ama caruurta ku dhex jirta,sidoo kale waxaa ay jeceshahay in taladeeda ay noqoto tan ugu danbeysa dhan walba, maba ogola in taladeeda laga tago,arin kasta waxaa ay rabtaa in ay iyadu wax ka dhahdo oo teeda loo yeelo, xitaa marka ninkeedu u sheekeynayo ma ka sugeyso hadalka in ay wax uun tiraahdo ayey jeceshahay,waxaa laga yaabaa in ninkaadu waqtiyada hore kuu dul qaato laakiin ma sii soconeyso oo raga uma dulqaadan karaan hadalka badan ugu danbeyntiina waa uu kaa tagayaa oo meel kale ayuu kaa raadsanayaa oo aan buuq iyo hadal badnayn .
3-tan is bad badalka badan:
noocaan waxaa lagu kartaa waa kuwo isku darsaday dabeecada khiyaanada iyo beenta iyo akhlaaqda xun,waxaa laga yaabaa in ninka uu ku wareero waqtiyada hore sidii uu ku fahmi lahaay balse marka uu ogaado ayuu ka cararaa,waxaa laga yaabaa waqtiyada hore in ninku uusan fahmin dabeecadan balse uu xilli uun ogaan doono haddii ay naagtu been u sheegto odaygeeda ama ay khiyaanto,hadaba dumarka waxaa la gudboon in ay dabeecadan iskaga haraan si uusan ninku uga tagin.
4-tan muuqaalkeedu uu mar walba bahdilanyahay:
waa haweenta aan is daryeelin oo aan qubaysanin isna odgeynin oo mar walba waxaa ka soo shiira dharkeeda raashinka ay karineysay oo aysan u kala saarneyn waqtiyada ninka la isku diyaariyo oo xitaa waxaa suurtowda in dharkeeda jiifka uu ka soo shiiro raashinka ay karineysay, xilli walba lagama yaabo in ay leedahay soo jiidasho xagga ninkeeda ah oo waa mid uskag badan.
5-tan isku darsata dabaalnimda iyo jaahilnimada:
waa midda aanan waxba kala garaneynin oo alaheed alah,hadal ma taqaano,si ninka loola sheekeeyo ma taqaano iskaba daa qancintee,haddii ay hadasha waxaa ay ku hadaaqdaa hadal aan maco lahayn,jaahilnimadeedana xuduud ma lahan,oo waa uun qof wadata caalamadihii lagu garanayay dumarka,raguna muhiimada ugu weyn ay haweenka ka rabaan ma ahan in ay naageestaan kaliya ee waxa ay doonaan waa nolol dhameestiran hadaba haweenka noocaan oo kale ah waxaa la gudboon in ay doqonimada iyo jaahilnimada ka baxaan oo wax kororsadaan xilli walba,xitaa ninkooda ay usheegaan in aan wax barto ayaan raba adiga i bar ama i geey goob aan wax ku barto waa in ay ku dhahaan ninkooda,laakiinse haddaii ay sidooda iska ahaadaan waa la hubaa in ninku ka tagayo.
6- Tan faanka badan:
waa nooc isku maleeya in ay dadka oo dhan u qatarsantahay,odaygeeda u maleysa in uu yahay ninka aduunka ugu fiican,caruurteeda sidoo kale,waxaa ay u maleysaa in ay dagantahay guryahay kan ugu qatarsan,nolosha ay ku jirto in aysan jirin cid kale oo haysata.dadka kale umaba haysato in ay akteeda wax ka yihiin oo waa isla weynatahy,kibirna waa u dheeryahay,wax cajab galiya ma jiraan oo aanan ka ahayn waxa ay iyadu rabto,hadaba ragu ma jecla haweenka noocaan oo kale ah mustaqblkana waxaa ay ka raadsadaan naag kale.
7-tan ninkeeda isku dayda in ay ka sareyso:
waa tan mar walba isku dayda in ay amarto ninkeeda,oo maba maqasho hadaladiisa iyo ra,yigiisa,waxaa kale oo ay isku daydaa mar walba in ay ceebeesato odaygeeda oo marka ay asxaabteeda la joogto ama ehelkeeda ayey u sheegtaa ceebaha uu ninkeeda leeyahay.haweenka noocaan oo kale ragu ma jecla.
8- tan dagaalka badan:
waa midda mar walba odaygeeda la dagaasha ama dagaal ay dad kale la soo sameysay ayuu odaygeeda xaliyaa xilli walba waana shar u joog oo dagaalkeeda ayaa badan mar walbana waa laga soo dacwoonayaa, hadaba haweenka noocaan ah ayaanan ragoodu aysan jecleyn lagana yaabo in ay ka cararaan oo naag kale la guursadaan.
9- tan mar walba ninkeeda naagaha kale xumaantooda u sheegta:
noocaan waxa ay isku moodaan in ay iyagu aduunka u qatarsanyihiin,mar walba oo ay ninkeeda naagaha kale uga sheekeyneyso xumaantooda uun ayey u sheegtaa oo marnaba ma laga yaabo in afkeeda uu soo qabto hadal wanaag ah oo haweenka kale ku saabsan,xitaa haween kale haddii ay yihiin haween wanaagsan xumaato ayey u aliftaa.
10- tan ciyaal suuqada ah:
ciyaal suuqnimada kaliya ma ahan kuwa wadada taagan ee waxaa loola jeedaa tan hadalkeeda dhaqnkeeda akhlaaqdeeda uu ciyaal suuqnimo yahay,wax farqi ah uma dhaxeeyaan ciyaal suuqnimada shakliga qofka iyo dhaqnkiisa waa isku mid,haweenka noocaan ah raggu ma jecla waa ay ka fogaadaan.
11- tan nadaafada daran:
naagaha noocaan waa kuwo mar walba wasakh badan oo gurigooda iyo iyo dhogortooda iyo xitaa shakliga caruurtooda ayaa ka dareemeysaa in ay nadaafad lahayn,waxyaabaha ugu waa weyn ee ragu haweenka doonaan ayaa ah naag nadiifsan guri nadiifsan raashin nadiif ah iyo guud ahaan in ay naagto soo jiidato ninkeeda ma ahan nadaafada jirkeeda kaliya oo guriga iyo caruurtana waa la hilmaamayaa sida haweenka qaar ay sameeyaan ,waxaa haboon in haweenku mar walba ay nadiif yihiin dhan walba haddii kale ragu waa ay ka cararayaan.
12- Tan calool jileeca iyo oohinta badan:
waa nooc mar ka hore kicisa dareenka ninka oo soo jiidata balse waxaa laga yaabaa in ninku uu kala garan waayo xaaladaha ay ku sugantahay in ay been sheegeyso iyo in ay run sheeheyso,teeda kale waxaa laga yaabaa in ninku uu gaaro heer ah in uu hadal dhan ka ilaaliyo sababtoo ah waxaa laga yaabaa in ay iska beer jilcdo oo ay ooyso isaga oo ninkana hadalkaas uu ka waday sheeko iska caadi ah,waxaa laga yaabaa sifadan in haweenka qaar ay leeyihiin balse waxaa la iska ga jari karaa si tartiib ah ,sababtoo ah raggu ma jecla haweenka beer jileeca iyo calaalka badan.
ugu danbeyntii 12kan sifo ayaa waxaa la isku raacay haweenka leh in si dhaqso ah uu ninkooda uga cararayo oo uu naag kale ka aadayo maadaama aysan ahayn sabab lagu furi karo marka diin ahaan loo fiiriyo,markaas ayuu ninku naag kale la guursadaa,waxaana dhacda in naagtii ay maseerto,inta aysan maseerin waxaa haboon in ay iska goyso haddii ay leedahay sifooyinkan ama wax ka mid ah markaas lagama yaabo in ninku uu naag kale haweesto ama la guursado.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment