Habka Ugu Fiican Ee Jidhkaaga Uga Caawin Karto In Uu Iska Difaaco Xanuunada Xiliga Jilaalka

Bulsha:- Iyada oo aynu la soconno in maalmihii u dambeeyey ay xaaladda cimilo ee Somaliland iyo guud ahaanba dunidu isu sii beddelayso qabow maadaama oo aynu hore ugu sii soconno xilliga jiilaalka ee qabowga caanka ku ah, isla markaana aynu ognahay in qabowgu uu wato juuc-juuc, badan iyo xanuunno ay ka mid yihiin hargab iyo lafa xanuun, ayaa uu wargeyska Geeska Afrika doorbiday in uu maanta kharistayaashiisa la wadaago talooyin jidhka ka caawinaya in uu iska difaaco xanuunnadaas oo dhowaan lagu daabacay degelka The Times of India.

Taladan uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxa ay si gaar ah farta ugu fiiqaysaa saddex Faytamiiin oo jidhku xilligan u baahan yahay, kuwaas oo aanu qofku u baahnayn in uu kiniin ama dawo ahaan u qaato balse ay tahay in uu qaato cuntooyinka ay ku jiraan oo dabcan qaarkood laga helo dalkeenna.

Faytamiin C: Faytamiin C waxa uu xoojiyaa awoodda is-difaac ee jidhka waxa aanu ka ilaaliyaa caabuqa ay ka mid yihiin qabowga, hargabka iyo qufaca oo aad loogu yaqaanno xilliga jiilaalka. Haddaba khubaradu waxa ay ku talinayaan in xilligan oo kale aynu ku dadaalno qaadashada Faytamiin C oo aynu ka heli karno cuntooyinka ay ka mid yihiin, Khudradaha kala ah, Liin macaanta iyo Liin dhanaantu.



Faytamiin D: Faytamiin D caadi ahaan sannadka oo dhan waxaa si fudud looga heli karaa qorraxda oo la isu yara dhigo. Faytamiin D oo joogto aynu ugu baahannay waxa ay baahidiisu sii xoogaysanaysaa xilliga jiilaalka, maadaama oo u usi weyn u caawiyo lafaha iyo xaglaha oo ah meelaha ugu badan ee qofka laga helo xilliga qabowga. Sidoo kale dadka hore u qabay xanuunnada la xidhiidha lafaha iyo xaglaha ayaa lagula taliyaa in ay xilliga qabowga aad u cunaan cuntooyinka hodanka ku ah Faytamiin D.

Khubarada caafimaadku waxa ay ku taliyaan in qof kasta oo da’diisu ay ka yar tahay 70 sano ay u fiican tahay in uu subax kasta qorraxda isu dhigo 30 daqiiqo. Qorraxda ayaana ah isha ugu







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment