Bulsha:- Xaaraanta ka Fogow Kororso Aqoon Oo kaliya,Ha sababsan Warbixinta xayeysiin Nolosha.Macluumaadkan waxaa loo diyaariyey dadka Xalaasha Ku Galmooda.
Waa maxay galmada ammaanka ahi?
Galmada ammaanka ahi waa doorashada inaad ka ilaaliso naftaada iyo dadka kaleba infekshinka galmada laysku raaciyo (STIs), oo ay ku jiraan HIV/AIDS. Galmada ammaanka ahi waa galmada ay manidu (Cum), qoyaanka ferjiga ama dhiigu aan laysku waydaarsan dadka isu galmoonayaa.
Isweydaarsiga dheecaanka jirka waxay dhici kartaa inta lagu jiro:
• Galmada ferjiga (guska oo ku jira ferjiga).
• Galmada dabada (guska oo ku jira dabada).
• Galmada afka (guska oo ku jira afka ama carabka oo ku jira ferjiga).
• Xiriirka afka iyo dabada (carabka oo ku jira dabada).
• Faraha ama qalabka kale sida alaabta galmada oo ku jirta ferjiga ama dabada haddii qoyaankani ku yaal dushooda.
Sidee baan u sameyn karaa galmo ammaan ah?
Xeerka aasaasiga ahi waxaa weeye inaad iska ilaaliso dhiiga, manida (cum) ama qoyaanka ferjiga ee qofka aad isu galmooneysaan inuu galo jirkaaga.
Siyaalo aad u ilaalin kartid naftaada iyo kuwa kaleba:
• U isticmaal kondhomka iyo saliida biyaha leh si sax ah dhammaan dadka aad isu galmooneysaan.
• Isticmaal galmada aan dhabta ahayn’ sida shuminta, isu siigeynta iyo taabashada, salaaxida, jirka isasaarida, masaxida iyo u masaajeynta kacsiga leh.
HALKAAN KA DAAWO MUQAALKAAN

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment