Fariin Jaceyl Calaal Ah : Waxaad Tahay Qofka Kaliya Ee Aan Rabo In Aan Waqtigeyga Oo Dhan La qaato

Bulsha:- Waxaad tahay qofka keliya ee aan rabo inaan waqtigeyga oo dhan inaan la qaato,waxaad tahay qofka aad u qalbi macaan,marna ma joojin dooni inaan noqdo qof kaa agdhow oo wanaagaaga ku faraxda,xanuunkaaga la damqata.

Sikastoo aad u xakameyso naftaada ogow waad ku qasban tahay inaad  wax jeclaato.dembigaaga wuxuu yahay keliya inaad shaqsi jeclaatay.

Jaceylkaaga waa igu filan yahay wuuna iga badan yahay,qalbigeyga aad ka u yarna ma wada qaadi karo culeyska intaas ka badan, waxaan kaa golol kaaga dhigaayaa ubax ugdoon kaas oo ka beermay ilmaha caashaqeena.

Waxaad ka dhigtay dunideyga oo dhan mid weli taagan,waxaad nolosheyda ka yeeshey mid macno iyo dhadhan leh.
Jaceylku wuxuu ka dhigaa caqliga qofka mid aan shaqeyn,  waxaad rabtaa daqiiqadkasto inaad qofkaas la hadasho adigoon ka daaleynin,inkastoo uu hadana yahay dareenka ugu wanaagsan ee ku soo mara noloshaada oo dhan.

Jaceylka uma baahno sabab,wuxuu ku yimaadaa midka dhabta ah wuxuu ka yimaadaa wadnahaaga sababna uma baahno, Ma u furi kartaa qalbigaaga inuu markale i jeclaado








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment