Fariimo Jaceyl: Keliya qalbigeyga iyo aniga ayaa dhisnay qasri uu aasaaskiisu yahay jaceyl.

Bulsha:-  Keliya qalbigeyga iyo aniga ayaa dhisnay qasri uu aasaaskiisu yahay jaceyl.

Waxaad tahay dab kaasoo guba dareenka caashaqa nafteyda.

Waxaan ku siiyey natiijada jaceylkeyga,mana aqoon faraxada heerkan gaarsan,haseyeeshee qalbigeyga weligiis ma uusan arag xanuunka nuucan ah.

Waxaan ku siinaayaa jaceylkeyga,waayo waxaan kuu jeclahay si daacad ah,laakin kuma siin karo nafteyda iyo qalbigey,sababtoo ah waxaan ka baqaayaa inaad laba qeybood u kala jebiso.

Jeceylkaaga waxey iila mid tahay sawir ay ku yaalaan kumanaan ereyo oo xambaarsan kalsooni iyo farxad aan la soo koobi karin,islamarkaana riyo u ah waxwalbo oo macaanka nolosha leysugu geeyey..

Waqtiga wuxuu waxwalbo ka dhigaa kuwa duqnimo iyo daciifnimo ku keena,laakin jaceylka aan kuu qabo adiga daqiiqadkasta maalin walbo wuxuu usii xoogeystaa si wanaagsan.

Daqiiqado yar ayaad nolosheyda uga dhigtay mid dareensan sida iney macno xaqiiq ah ku fadhido.

Inaan adiga ku jeclaado waa waxa kaliya ee aan sida fudud ku bartay,isku


dayga inaan ku ilaabana waa waxa ugu dambeeyo ee ay macquul tahay inaan ku fekero,sababtoo ah waxaan kuu jeclahay si qoto dheer.

Sideen ugu fekeraa inaan hurdo macaan helo hal habeen adiga la’aantaa? Nolol nuucee ah ayey noqon kartaa? Waxaan u baahanahay inaan garabkaaga joogo,waayo waxaad tahay dunideyda,nafteyda iyo qalbigeygaba.

Hadii qoraxdu ay diido iney soo iftiinto,waan ku sii jeclaan doonaa,hadii buuruhu ku soo jajabaan bada,waxaan weli ahaan doonaa qof dhinacaaga taagan.

Jaceylka aad i siisay wuxuu ka dhigay maalmaheyga kuwa ifaya,fekrada inaan ku waayaana waa iney ii dhamaatay oo kale,ii ogolow inaan ku jeclaado ilaa inta wadnayaalkeenu joojiyaan neefsashada.

Doonistaada marwalbo waa mid daacad iga ah,sida illinta mucaashaqiinta ee aan xuduudka laheyn.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment