Dumarka Soomaalida Ee Sweden Oo La Sheegay In uu ku dhacay cudur qatar ah

Bulsha:- Cilmi baaris ay dhawaan samaysay xarunta Baaritaanka caafimaadka ee lagu magacaabo (CKF, Centrum för klinisk forskning) ayaa lagu soo bandhigay in haweenka Soomaalida ee uurka leh ay haysato nafaqo la’aan xaga Vitamin D ah taasoo keentay in jirkooda uu aad daciif uu noqday.

Haweenka Soomaalida ee ka qeyb qaatay baaritaanka ayaa lagu soo bandhigay in 10-kii 9 qof ay haysato Vitamin D la’aan. Qofka uu ku yaraado Vitamin D ayaa waxaa la soo darsi kara in uu daciif ka noqdo lafaha. Cilmi baarayaasha ayaa ku taliyay in haweenka Soomaalida la siiyo dawo ay ka heli karaan Vitamin D maadaama aan inta badan laga helin cuntada. Waxaa sidoo kale Vitamin D laga helaa iftiinka qoraxda. Sababta aysan haweenka Soomaalida qoraxda uga helin Vitamin D ayaa xitaa lagu tilmaamay maadaama ay xirtaan dhar culus xiliga xagaaga.

Haweenka uurka leh ee uu ku yaryahay Vitamin D ayaa xitaa la sheegay in ay qatar ugu jiraan in ay dhalaan caruur daciif ah ama qaba cudurka autism.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment