Dagaalka Lamaanaha Waa Macaanka Jaceylka (Qormo Xiiso Leh_)

Bulsha:- Dad badan waxey u arkaan fowdada xanaaqa iyo isqabsiga mucaashaqiinta kuwa dhaawici kara kalsoonida labada qof iyo ixtiraamkii oo yaraada,laakin ma ogtahay aqrista xanaaqa lamaanaha inuu cadeyn buuxdo u yahay jaceylka aad isu qabtaan adiga iyo gacaliyahaaga,islamarkaana ay kuu muujineyso in qofkaan noloshiisa aad muhiim ka tahay,waayo qof aan ku rabin korkaba iskama saaro wax walbo oo aad ku dhaqaaqdo.

hase ahaatee ma’ahan xanaaqaagu inuu xadka dhaafo oo aad markasto dabeecad ka dhigato xanaaq aan sabab laheyd ama kibir ku laran yahay,kaasoo hubaal tahay inuu abuuro naceyb iyo is dhibsasho

Oohinta xilliga dib u heshiinta waa marxalad aad xasaasi u ah waxaad dareentaa holaca qalbigaaga shidaayo inuu helo daawadii lagu demin lahaa.
Aan daacad isku ahaano,aad uma adka inaad ka shaqeyso dib usoo cusbooneysiisi xiriirka kaala dhexeeya lamaanahaaga,mararka qaar lamaanayaalka waxey ka helaan naxariis waxyaabaha yar yar ee wanaagsan aan sidaas u adkeyn.

Xilliga badan ee aad wada socotiin waxey suurtagelin karaa inaad heshay jaranjaro aad ugu tilaabsan kartid qalbiga xabiibtaada mar kale. Qaado talaabooyin kuu suurtagelin kara fikrado lagu hormarinaayo jaceylkiina.
Mararka qaar waxaad u baahan tihiin inaad ula cayaarto gacaliyahaaga/daada sida inaad tihiin ilmo yar yar oo kale,si aad dib ugu soo ceshatiin masuuliyada da’diina, isbedelada waxey kuu sahlaan inaad noqoto lama filaan sida inaad aheydeen dad kuwa jira marxalada caruurnimada oo kale,islamarkaana dib u soo ceshta marxaladihii ilmanimada ee la soo dhaafay

Raadi wadooyin aad ku siyaadiso gudaha kaftanka wada shekeysiga,waxaa jiraa waxyaabo aad ku wadaqeybsan kartiin qosolka,kaasoo idinka caawin kara inuu sii socdo jaceylka noloshiina,hadii aad rabto inaaad ku sii darto xaalado kale isku day inaad kordhiso kaftanada soo jiidashada leh ee sida fudud u xada qalbiyada dadka,xitaa hadey yihiin ereyo maad leh.

Dagaalka xanxanteynta ah waxaa la sheegaa inuu yahay kaftanada ugu wanaagsan ee farakacaarka ah ee dhexmara lamaanayaalka isjecel ,wacdaraha.com,isku dayga lama filaanka ee lagu raaligelinaayo jaceylkaaga waxey qeyb ka tahay calaamadaha caashaqa.

Sida ugu sahlan ee xiriir maskaxiyan iyo muuqaal ahaan caafimaad qabo aad ku aasaasi laheyd waa inaad saafi ka wada ahaatiin qalbiyada,islamarkaana aad ka fogaataa waxyaabaha dhaawici kara naftaada iyo dhamaan nafaha kale ee kugu xeeran.

Dhoolacadeynta waa aasaaska ugu muhiimsan ee aad ku degi karto qalbiga qofka aad jeceshahay,dad badan wey ka cararaan kuwa weji macbuuska ah ee qalbiyadoodana dhagaxa ah.










_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment