Bulsha:- Raja Thapa waa wiil dhalinyaro kasoo jeeda dalka Nepal, waxa uuna awood u leeyahay in afkiisa uu galiyo ilaa 140 qalin nooca rasaaska loo yaqaan ama biiraha.
Raja Thapa ayaa u tartamaaya Rekoor-ka Diiwaanka af-weynida Caalamka, waxa uuna doonayaa in booska afweynida uu kala baxo wiil kale oo u dhashay dalka India oo lagu magacaabo Dinesh Shivnath Upadhayaya.
Raja Thapa oo kasoo jeeda Nepal waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in xiliga la joogo uu ka afweyn yahay wiilka kale ee lagu magacaabo Dinesh Shivnath.
Awooda Dinesh Shivnath Upadhayaya ayaa kaliya ku eg in afkiisa uu galiyo 92 qalin, waxaana ka tiro badan wiilka reer Nepal oo gaarsiisan ilaa 140.




_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment